Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Deni oo farriin culus u diray beesha caalamka kadib tallaabadii ay qaaday DF - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Deni oo farriin culus u diray beesha caalamka kadib tallaabadii ay qaaday DF


Garoowe (Adduun.com) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay is-hortaaggii ay Axaddii dowladda Soomaaliya ku sameysay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ee laga soo doorto maamulkaasi, kuwaas oo kusii jeeday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Saciid Deni oo eedeyn culus u jeediyay dowladda dhexe ayaa arrinta dhacday toos ugu wargeliyay hay’adaha caalamiga ah ee duulimaada, isaga oo shaaca ka qaaday in uu yahay ‘fal dambiyeed dil ah’, la’iskulana xisaabtami doono.

“Waxaan aad uga xumahay in dowladdii Soomaaliyeed ay isku bedashay warato uu qof sidii uu doono uu ka yeello taas waxay halis ku noqon doonaan dhismaha dowladnimada” ayuu yiri madaxweyne maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay tahay afduub cad oo lagu jabinayo dowladnimada iyo sharciga kala hagaya ummadda Soomaaliyeed.

“Intaas waxaa loo sameynayaa oo hadddana loo diiday xildhibaannada usoo socday deegaan doorashadooda inay la tashi soo sameeyaan waa in ay DFS ku foogan tahay inay afduubto sharciga iyo kala dambeynta dowladnimada” ayuu mar kale yiri Saciid Deni.

Waxaa kale oo uu ku daray “Ficilka maanta dhacay waa afduub loo gaystay dadkii rakaabka ahaa ee isugu jiray shacabka iyo mas’uuliyiinta dadkaa laga afduubay inay Garoowe soo aadaan ee hadda ku xayiran garoonka Aadan Cadde waxaan ka codsaneynaa dadka waxgaradka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta damiirka uu weli ku haray inay dadkaas xorriyadooda siiyaan”.

Deni ayaa sidoo kale xusay in ay qiimeyn doonaan khasaaraha ka dhashay arrintan ayna kadib dacwo gudbin doonaan, si magdhow loo siiyo dhibanayaasha.

Kadib soo celintii xildhibaannada labada Gole ee ku socday Garoowe, shalay Puntland ayaa deegaannadeeda ka mamnuucday diyaaradda Daallo oo siday xildhibaannada ka baxay magaalada Muqdisho, balse amar ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa dib looga soo celiyay magaalada Garoowe.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada ee Puntland ayaa diyaaradda Daallo Airlines ku eedeysay in muddo laba jeer ah ay khatar gelisay nolosha mas’uuliyiin iyo muwaadiniin reer Puntland.

“Waxaa lagu wargelinayaa Shirkadda Diyaaradaha Daallo in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 1-da Maarso 2026 lagala noqday ruqsaddii duulimaadyada Diyaaradaha Daallo ee dhammaan garoomada diyaaradaha Puntland, maadaama ay muddo laba jeer ah khatar gelisay nolosha mas’uuliyiin iyo muwaadiniin reer Puntland,” ayaa lagu yiri amarka ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Maamulka Puntland.

 

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard