Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Deni iyo Axmed Madoobe oo gaaray go’aan uga hortagayaan qorshaha Xasan - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Deni iyo Axmed Madoobe oo gaaray go’aan uga hortagayaan qorshaha Xasan


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa isla qaatay inay Muqdisho tagaan ka hor meel-marinta qorshaha wax ka beddelka dastuurka, oo ay gadaal ka riixayso Villa Soomaaliya.

Madaxda labada maamul ayaa lagu wadaa inay gelinka dambe ee Talaadada berri ah yimaadaan magaalada Muqdisho, si shirka uu u furmo ka hor Khamiista oo markii hore la qorsheynayay, sida ay ogaatay Adduun.com.

Madaxda labada maamul ayaa soo hormaraya waqtigii hore loo qorsheeyay, kadib markii ay soo baxday in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo in Arbacada la ansixiyo wax ka beddelka dastuurka, uuna isla maalintaas saxiixo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale qorsheynayay in Khamiista uu dastuurka la tago shirka, hase yeeshee waxaa muuqata in shirkaasi uu furmi doono ka hor Khamiista, maadaama madaxda maamul-goboleedyadu waqti hore soo gaarayaan Muqdisho.

Guddoonka baarlamaanka ayaa ku howlan dhammaystirka wax ka beddelka dastuurka, iyadoo kulamadii labada Aqal ee baarlamaanka, oo horey buuq badan uga dhashay, laga joojiyay xildhibaannada mucaaradka, kuwaas oo diidan sida uu guddoonku wax u wado.

Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa u arka qorshaha wax ka beddelka dastuurka mid uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga dan leeyahay damac muddo-kororsi, taas oo ay si adag uga horyimaadeen.

Si kastaba, wakiillada beesha caalamka oo dhinacyada cadaadis ku saaray sidii ay u qabsoomi lahaayeen wada-hadalladii loo ballansanaa, ayaa muujinaya sida ay lagama maarmaan u tahay in arrimaha la isku hayo is-afgarad looga gaaro shirka.

Ajendaha shirka ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamadii guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard