Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Deked ganacsi oo ku taalla Cumaan oo la duqeeyay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Deked ganacsi oo ku taalla Cumaan oo la duqeeyay


Dumq (Adduun.com) – Haan shidaal oo ku taalla Dekedda Duqm ee dalka Cumaan ayaa lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn (drone), sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee dowladda Cumaan.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay xilli gobolka uu ka jiro xiisad sii kordheysa oo la xiriirta dagaallo iyo is-maandhaaf siyaasadeed, kadib duullaank Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan

Ilo amni oo aan la magacaabin ayaa sheegay in waxyeellada la xakameeyay, isla markaana aan la diiwaangelin wax khasaare naf ah. Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in gurmad degdeg ah la sameeyay si looga hortago in dab ama qarax kale uu ka dhasho goobta.

Isla dekedda Duqm ayaa la sheegay in sidoo kale lagu weeraray diyaarado aan duuliye lahayn dhammaadkii toddobaadka. Wararka hordhaca ah waxay muujinayaan in hal shaqaale ah uu ku dhaawacmay weerarkaasi hore.

Dekedda Duqm ayaa ka mid ah xarumaha istaraatiijiga ah ee Cumaan, gaar ahaan dhinaca kaydinta iyo dhoofinta shidaalka. Weerar kasta oo lagu qaado goobtan wuxuu si toos ah u saameyn karaa dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo amniga tamarta ee gobolka.

Dalka dariska la ah ee Qatar, soo saarista gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ayaa la joojiyay Isniintii. Tallaabadan ayaa timid kadib weerarro la sheegay in Iiraan ku qaaday qaar ka mid ah xarumaha tamarta ee dalkaas.

Hakinta soo saarista LNG-ga Qatar ayaa la sheegay inay ka dhigan tahay qiyaastii shan meelood meel sahayda gaaska ee caalamka. Arrintan ayaa si weyn u walaac gelisay suuqyada tamarta iyo dalalka ku tiirsan gaaskaas.

Sacuudi Carabiya ayaa iyaduna ku dhawaaqday inay hakisay wax soo saarka warshaddeeda sifeynta shidaalka ee ugu weyn dalka. Tani waxay sii xoojisay cabsida laga qabo in khalkhal weyn ku yimaado sahayda shidaalka iyo gaaska ee Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Cumaan ayaa muddo dheer door muhiim ah ka ciyaareysay dhex-dhexaadinta wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.

Wada-hadalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalkaas bishii hore ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, ku tilmaamay “bilow wanaagsan,” inkasta oo xaaladda amni ee hadda jirta ay abuureyso shaki ku saabsan mustaqbalka dadaalladaas.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard