Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Danab oo howlgal culus ka fulyey deegaan ku dhow Jilib - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Danab oo howlgal culus ka fulyey deegaan ku dhow Jilib


Baydhabo (Adduun.com) – Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan cutubka gaarka ah ee Danab ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Far-Shabeel oo hoostaga degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Saraakiisha hoggaaminaysay howl-galka ayaa sheegay in si xeeladaysan loo abaabulay weerarka, isla markaana lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, oo halkaasi ku sugnaa.

Waxay tilmaameen in ciidamadu ay si guul leh u gaareen bartilmaameedyadii loo qorsheeyay, isla markaana ay burburiyeen fariisimo ay kooxdaasi ku lahayd deegaankaasi, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale, saraakiishu waxay xuseen in howl-galka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada muhiimka u ah dhaq-dhaqaaqooda ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ciidanka Danab ayaa adkeeyay in ay sii wadi doonaan howl-gallada qorsheysan, kuwaas oo lagu beegsanayo hoggaanka sare iyo xubnaha firfircoon ee kooxda, si loo yareeyo khatarta ay ku hayaan amniga dalka.

Dhinaca kale, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal miino-baaris ah ka fuliyay deegaanka Gololey oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Intii uu socday howl-galkaasi, ciidamada ayaa ku guuleystay in ay waddada ka saaraan miinooyin ay Shabaab-ka ku aaseen goobahaasi, kuwaas oo khatar ku ahaa nolosha shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka deegaanka.

Howl-galkan miino saarista ah ayaa waxaa fuliyay cutubyo gaar ah oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo u xilsaaran ka hortagga iyo soo saarista walxaha qarxa, iyadoo la sheegay in howl-gallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan si loo xaqiijiyo badbaadada shacabka iyo isu socodka guud ee deegaanadaasi.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard