News
Dalalka Khaliijka oo go’aan xasaasi ah qorsheynaya xilli ay u careysan yihiin Mareykanka
-
-
by
Sacdio
Doha (Adduun.com) — Dalalka Khaliijka ayaa wajahaya culeysyo dhaqaale oo baaxad leh, kuwaas oo ku qasbi kara inay dib u qiimeeyaan mashaariicdooda maalgashi ee Mareykanka iyo dalalka kale ee caalamka, iyadoo si dhab ah loo dareemayo saameynta xanuunka badan ee ka dhalatay dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan.
Wargeyska The Financial Times oo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah ayaa warinaya in saddex dal oo ka tirsan Khaliijka, kuwaas oo aan magacyadooda fagaaraha la keenin, ay soo wajahday dhibaatooyin xooggan oo dhanka miisaaniyadda ah.
Culeyskan ayaa ka dhashay hoos u dhac weyn oo ku yimid dakhligii dalka kasoo xaroon jiray sida shidaalka, gaadiidka badda, dalxiiska, iyo duulimaadyada, iyadoo dhanka kalena uu cirka isku shareeray kharashka ku baxaya gaashaandhigga.
Xukuumadahan ayaa si weyn ugu tiirsan nidaamyada qaaliga ah ee difaaca cirka si ay hawada ugu bur-buriyaan gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ee Iiraan usoo rido dhankooda.
Dhanka kale, weerarada is-daba-joogga ah ee lala beegsanayo kaabayaasha tamarta iyo maraakiibta ganacsiga ee maraya Marinka Hormuz iyo Badda Cumaan ayaa dhabar-jab weyn ku noqday dhoofinta saliidda ceyriin iyo gaaska dabiiciga ah (LNG), arrintaas oo horseedi karta khasaare dhaqaale oo aad u culus.
Ka-bixitaanka qandaraasyada
Saddexdaan dal ee ugu dhaqaalaha weyn gobolka Khaliijka ayaa hadda wada wadahadallo xasaasi ah oo ku aaddan dharbaaxada dhaqaale ee uu dagaalkani ku dhuftay maaliyadooda. Waxay miiska soo saareen in dib u qiimeyn lagu sameeyo maalgashiga shisheeye, kafaala-qaadka cayaaraha caalamiga ah, iyo ganacsiyo kale oo muhiim ah.
Sida uu wargeyska u xaqiijiyay sarkaal sare, dalal dhowr ah oo Khaliijka ah ayaa bilaabay dib-u-eegis gudaha ah si ay u go’aamiyaan in heshiisyada qandaraasyada ee hadda jira lagu dabaqi karo qodobka sharci ee xaaladaha ka baxsan awoodda aadanaha (Force Majeure).
Sarkaalka ayaa xusay in dalalkani ay dib u eegayaan ballanqaadyadooda maalgashi ee hadda iyo kuwa mustabkalkaba, si ay u khafiifiyaan culeyska dhaqaale ee la filayo, gaar ahaan haddii dagaalka iyo kharashaadka ku baxaya ay ku sii socdaan xawaaraha hadda taagan.
Khaliijka ayaa leh hanti maalgashi oo aad u ballaaran oo dibadda ah, taas oo isugu jirta saami ay ku leeyihiin shirkadaha teknoolajiyadda ee waaweyn ilaa shirkadaha bixiya adeegyada biyaha ee dalalka shisheeye, in kasta oo aan weli la hubin maalgashiyada rasmiga ah ee saameyntu gaari doonto.
Burburka kaabayaasha dhaqaalaha
Waxaa gobolka aad ugu soo kordhaya carada laga qaaday duulaanka Mareykanka iyo Israa’iil ee Iiraan, kaas oo sababay in magaalooyin waaweyn sida Dubai iyo Manama ay la kulmaan duqeymo culus oo uga yimid Tehran, iyadoo sidoo kalena la bartilmaameedsaday kaabayaasha tamarta ee gobolka oo dhan.
Shirkadda QatarEnergy ayaa horraantii toddobaadkan ku dhawaaqday in ay qaadatay qodobka ‘Force Majeure’ sababo la xiriira hakadka baaxadda leh ee ku yimid dhoofinta gaaska iyo saliidda, iyadoo xukuumadda Doxa ay ka digtay qiimaha qaaliga ah ee uu dagaalkani ku yeelan doono dhaqaalaha caalamka.
Saad Sherida Al-Kaabi ayaa u sheegay FT in dhammaan dalalka dhoofiya shidaalka ee gobolka Khaliijka ay qasab ku noqon doonto inay qaataan go’aankan maalmaha soo socda haddii xaaladdu sidaan sii ahaato.
“Haddii dagaalkani uu sii socdo dhowr toddobaad, kobaca dhaqaalaha caalamka (GDP) ayaa la kulmi doona saameyn weyn,” ayuu ka digay.
Dhanka kale, bilyaneerka u dhashay Imaaraadka Carabta, Khalaf Al-Habtoor, ayaa muujiyay jahawareerka iyo carada baahsan ee ka dhex jirta bulshada ganacsatada dalkaas, isagoo qoraal kulul soo dhigay bartiisa X (Twitter) maalintii Khamiista. Imaaraadka oo xiriir dhow la lahaa Israa’iil ayaa hadda dusha u ritay cawaaqib-xumada ka dhalatay dagaalkan masiibada ah ee lagu qaaday Iiraan.
“Mudane Madaxweyne Donald Trump, su’aal toos ah: Yaa ku siiyay awoodda aad gobolkeena u soo jiiddo dagaal lala galo Iiraan? Sal maxayse tahay go’aankan halista ah ee aad qaadatay? Ma xisaabisay khasaaraha dhinacyada badan taabanaya ka hor inta aadan jiidin keebka? Mase ku fikirtay in kuwa ugu horreeya ee ku dhibtoon doona xiisaddan ay yihiin dalalka gobolka laftooda!” ayuu yiri Al-Habtoor isagoo la hadlayay madaxweynaha Mareykanka.
Wuxuu hadalkiisa ku soo xiray dhaleeceyn adag: “Waxaad gelisay dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka iyo waddamada Carabta xuddunta khatar aysan iyagu dooran. Ilaahay mahaddii, waan xoogganahay oo waan awoodnaa inaan is-difaacno, waxaana leenahay ciidamo iyo gaashaandhig ilaalinaya dhulkeena, balse su’aashu waxay taagan tahay: Yaa fasax ku siiyay inaad gobolkeena u beddesho goob dagaal?”
