Connect with us

News

Dagaalka ka qarxay Baydhaba iyo ‘kaalinta Laftagareen’ oo la shaaciyay


Baydhaba (Adduun.com) – Xildhibaan Sadiiq Cabdullaahi Cabdi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka qarxay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, ee u dhexeeyo ciidanka maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad deegaanka ah, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka saaka ayaa yimid kadib markii la sheegay in ciidanka Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen guriga wasiirka xanaanada xoolaha Soomaaliya, Xasan Eelaay oo ay isku dhacaan yihiin maamulka.

Xildhibaanka oo ka hadlay dagaalka ayaa cambaareeyay, wuxuuna soo bandhigay kaalin uu sheegay inuu ku leeyahay madaxweyne Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in waxa ka socda magaalada ay qayb ka yihiin tacaddiyada uu maamulka ka wado magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay.

“Tacaddiyada maanta ka dhacay Baydhabo ma aha kuwo cusub; maamulkaasi hore ayuu ugu caan baxay dilal bareer ah, xarig sharci-darro ah, jirdil, caburin siyaasadeed, iyo hor-istaag joogto ah oo lagu sameeyo safarro iyo duulimaadyo ay lahaayeen siyaasiyiin ka aragti duwan” ayuu yiri Xildhibaanku.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran;-

Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarrada, xasuuqa, iyo tacaddiyada arxan-darrada ah ee maamulka Laftagareen ka wado xaafadaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah ee magaalada Baydhabo iyo sidoo kale go’aanka si ula kac ah hawada looga saaray isgaarsiintii magaalada Baydhabo oo dhan; waa fal dambiyeed lagu qarinaayo xaqiiqda, si aan loo ogaan waxa dhab ahaan ka socda magaalada. Xadgudubyadan naxariis-darrada ah waa kuwa si cad xiriir ula leh dano siyaasadeed oo lagu doonayo in si sharci-darro ah talada loogu sii nagaado.

Laftagareen, oo xilka ku yimid hannaan aad loogu muransanaa isla markaana dhiig ku daatay, ayaa muddo saddex sano si sharci-darro ah ugu fadhiya xafiiska, isagoo aan haysan wax sharciyad ah. Tacaddiyada maanta ka dhacay Baydhabo ma aha kuwo cusub; maamulkaasi hore ayuu ugu caan baxay dilal bareer ah, xarig sharci-darro ah, jirdil, caburin siyaasadeed, iyo hor-istaag joogto ah oo lagu sameeyo safarro iyo duulimaadyo ay lahaayeen siyaasiyiin ka aragti duwan.

Ficilladan waa xadgudub cad oo ka dhan ah Dastuurka, xuquuqda aadanaha, iyo dowladnimo. Adeegsiga awood ciidan oo lagu beegsanayo dad rayid ah iyo mucaarad siyaasadeed oo ka aragti duwan waa dembi culus; mid siyaasadeed iyo mid bini’aadannimo labadaba. Falalkan arxan-darrada ah waa kuwo haba yaraatee aan la aqbali karin, waana in si degdeg ah loo joojiyaa. Laftagareen iyo dhammaan saraakiisha ciidan ee maamulkiisa ee ku lugta leh xadgudubyadan waa in lala xisaabtamaa; hadda ama marka ay xilka ka degaan.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News