Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Dagaalka Iran oo Mareykanka geliyay laba daran mid dooro – Maxaa soo kordhay? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Dagaalka Iran oo Mareykanka geliyay laba daran mid dooro – Maxaa soo kordhay?


Seoul (Adduun.com) – Mareykanka ayaa qorshe cusub u dejiyay xoojinta nidaamka Difaaca Hawada ee Bariga Dhexe, kadib culays xooggan oo ka dhashay dagaalka uu fududaystay ee Iiraan.

Qorshahan cusub waxaa ka mid ah soo rarida nidaamkii difaaca ee Patriot oo hore uga jiray Kuuriyada Koofureed, taas oo Mareykanka ku noqotay laba daran mid dooro.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koofureed, Cho Hyun ayaa Baarlamaanka dalkiisa u sheegay in Nidaamka Patriot la qaadayo si looga hortago gantaallada Kuuriyada Waqooyi.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa walaac ka muujiyay talaabadan, iyagoo sheegay in meesha laga qaaday difaaca culus ay kordhin karto khatarta gantaallada Kuuriyada Waqooyi.

Mareykanka ayaa wajahaya go’aan adag oo ku saabsan dalka uu ku rakibi doono nidaamkan difaaca, maadaama dalalka Khaliijka Carabta si saf mar ah ay u beegsanayso Iiraan, halka difaacyadii hore ee la geeyay aysan awoodin in ay qabtaan gantaallada Tehran.

Sidoo kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Mareykanku uu ka qaaday qaar ka mid ah ciidamadiisa Kuuriyada Koofureed.

Hadda, Mareykanku wuxuu ku leeyahay Seoul 28,500 oo askari iyo nidaam difaac oo hawada ah, oo ay ku jirto kan loo yaqaan Patriot.

Tallaabadan ayaa muujinaysa sida Washington u tixgelinayso khatarta sii kordheysa ee ka imaanaysa Iiraan. Waxaa la filayaa in nidaamka cusub ee loo rarayo Bariga Dhexe uu kaalin muhiim ah ka qaato xoojinta difaaca hawada iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard