Islaamabaad (Adduun.com) – Qarax ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay masaajidka Khadiijatul Kubra oo ku yaalla deegaanka Tarlai Kalan ee caasimadda Pakistan, xilli ay dad badan isugu yimaadeen gudashada salaadda Jimcaha.
Saraakiisha booliiska Pakistan ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid ismiidaamin ah, kadib markii qofka watay walxaha qarxa la joojiyay iridda laga galo masaajidka, halkaas oo uu isku qarxiyay.
Ciidamada booliiska iyo kuwa ammaanka ayaa si degdeg ah u xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo baarayaashu ay bilaabeen ururinta caddeymaha la xiriira weerarka.
Sidoo kale, xaalad degdeg ah ayaa lagu soo rogay isbitaallada waaweyn ee ku yaalla magaalooyinka mataanaha ah ee Islaamabaad iyo Rawalpindi, si loo daryeelo dadka ku dhaawacmay qaraxa.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dad ka badan 30 qof ay ku dhinteen qaraxa, halka tiro kale oo aad u badan ay ku dhaawacmeen, inkastoo illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin.
Goobjooge ka ag dhowaa goobta, isla markaana ah masuulka daryeelka masaajidka, Syed Ashfaq, ayaa sheegay inuu maqlay rasaas kahor qaraxa. “Gurigaygu wuxuu si toos ah ugu dhow yahay Imambargah-ga. Markii aan maqlay rasaasta, ayaan ka soo orday guriga anigoo u maleynaya in ay dhibaato jirto,” ayuu yiri.
Syed Ashfaq ayaa intaas ku daray in markii uu goobta gaaray uu arkay xaalad aad u argagax badan. “Qarax ayaa horey u dhacay. Maydad ayaa meel walba yaallay; qaar gacmaha ayaa ka go’naa, qaarna lugaha,” ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dadka dhaawacyadoodu halista ahaayeen lagu qaaday gaadiid ay si gaar ah u wateen si degdeg ahna loogu geeyay isbitaallada ku dhow.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Pakistan oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ama cidda ka dambeysay weerarkan.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
SIRDOON & QISO
Basaaskii ahaa Injineerka Tubooyinka & Bulaacadaha
SIRDOON & QISO
Habiba Bajouri | Basaasadii Dishay Ninkeeda |
SIRDOON & QISO
Nadia Fouda | Basaasadii la Shaqeeysay Saddam Hussein |
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Dhamaad)
SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad