Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Dad badan oo ku dhintay Nairobi kadib xaalad soo korortay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Dad badan oo ku dhintay Nairobi kadib xaalad soo korortay


Nairobi (Adduun.com) – Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in khasaare xooggan uu ka dhashay roobab mahiigan ah oo tan iyo shalay ka da’ayay gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Roobabka ayaa dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, sida ay muujinayaan muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada.

Booliska Kenya oo haatan wada gurmad deg-deg ah ayaa ku howlan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan mashaqada xalay ka dhacday Nairobi.

Sidoo kale, wuxuu Boolisku xaqiijiyay in dhimashada ay gaartay illaa 10 qof oo qaarkood ay qaadeen daadadka, kuwa kalena ay dishay koronto.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in khasaaraha intaasi kasii badan karo, maadaama dad badan oo la weysan yahay lagana baafinayo baraha bulshada.

Waddooyinka ayaa xirmay, halka xaafadaha ugu badan ay biyuhu galeen, taas oo sii adkeyneysa in gurmadka uu gaaro meelaha ugu daran.

Xaafadda Islii oo ay ku badan tahay Soomaalida ayaa kamid ah meelaha ay ka jiraan xaaladaha adag, balse illaa iyo hadda wax dhimasho ah lagama soo warin.

Dhinaca kale, ciidanka Milatariga Kenya oo wata gaadiidka waa wayn ayaa ka qayb-qaadana howlaha samatabixinta, waxaana la arkayaa iyaga oo dadka liita ku qaadaya dhabarka, kadibna gawaaridooda ku daad-gureynayo.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya iyada oo shacabka ay si weyn ugu dhaleeceynayaan inay wax ka qaban waysay dhibaatada adag ee haatan ka taagan magaalada Nairo ee caasimada Kenya.

Roobabka ayaa la saadaalinayaa inay sii socdaan, iyada oo Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ay si joogta ah u direyso farriimo la xiriira halista ka imaan karta roobabka da’aya iyo inay ka taxadaraan dadka shacabka ah.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard