Muqdisho (Adduun.com) – Hawlgal sirdoonnimo ku dhisnaa oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, Ururka 203aad iyo ciidamada AUSSOM, gaar ahaan Ugand People Defence Force (UPDF) ayaa guul ku soo dhammaaday. Hawlgalkan ayaa dhacay shalay oo ay taariikhdu ahayd 03, April, 2026. Waxay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen sargaal sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab (AS). Sargaalka ayaa lagu magacaabaa Salaad Cismaan Macalin Cabdi, halka uu ku hawlgalo magacyada Salaad Dheere iyo Saham, kaas oo ahaa taliye guuto oo miisaan ku dhex lahaa qeybta jabhadaha ee kooxda argaggaxisada ah ee al-Shabaab.
Hawlgalku wuxuu ka dhacay tuulada Soomaray, oo qiyaastii 5 kiiloomitir dhanka galbeed ka xigta degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose. Saham ayaa la qabtay xilli uu ku jiray hawlgal sahan ah, isgaa oo indha-indhayn ku samaynayay fariisimaha difaaca ee ciidamada, si uu loogu diyaariyo weerarradii cagmarinta ahaa ee aroorta hore lagu la soo kallihi jiray xeryaha. Degaanka Mubaarak ee uu Saham sahminayay ayay dawladdu la wareegtay 02 March 2026. Waa bil iyo labo maalin ka hor.
Maxaan ka Naqaanaa Saham?
Sida ay warbaahinta dawladda iyo kuwa madaxa bannaan sheegeen, Salaad Dheere waa 40 jir ku dhashay, kuna barbaaray magaalada Burco. Waxa uu kooxda AS ku soo biiray 2009kii. Saham ayaa kooxda kamid ahaa muddo 17 sano, halka uu leeyahay khibrad milatari 10 sano ka mid ah 17 sano. Sannadka marka uu 2016 ayuu u wareegay qaybta jabhadaha kooxda oo uu ka tirsanaa ilaa sikinka la soo qabanayay.
Muddada uu jabhadda ka tirsanaa waxa uu qayb weyn ka ahaa weerarro la la eegtay ciidamada dawladda iyo kuwa AUSSOM ee ku sugnaa Shabeellaha Hoose. Markiiba waxaa maskaxdeenna ku soo degdegaysa mid kamida weerarradii ugu caansanaa ee Shabeellaha Hoose ka dhacay; kaas oo ahaa weerarkii Buulamareer ee lagu qaaday ciidankii Yugaandha, dhammaadka bishii May 2023. Subaxdaas waxaa dhimatay in ka badan 100 askari.
Haddaba, Saham, waxa uu daraja ahaan gaaray heer Taliye Guuto, isaga oo gacanta ku hayay iskuxirka unugyo muhiim ah. Xilligii la qabanayay, waxa uu hoggaaminayay koox ka kooban 17 dagaalyahanno ajaanib ah oo dhowaan laga soo raray magaalada Jilib, loona soo wareejiyay degaanka Ugunji ee Shabeellaha Hoose.
Qabashada Saham ka dib, waxaa soo baxday oo laga helay xogo xasaasi ah oo ay inyar ka fasaxeen hay’adaha amniga. Xogahaasi waxaa kamida xog sheegaysa in xubin kale oo ku hawlgala magaca Ismaaciil oo u dhashay dalka Kenya in loo diyaariyay ismiidaaminta weerarka lagu soo qaadi lahaa degaanka Mubaarak ee uu sahmintiisa waday Saham.
Taliyaha Qeybta Kowaad ee ciidanka, Sarreeye Guuto, Jackson Kayanja, iyo saraakiisha SNA ayaa ku tilmaamay qabashada Saham dhabarjab weyn oo ku dhacay awoodda jabhadda kooxda ee gobolka Shabeellada Hoose. Waxay sheegeen in ninkani uu ahaa maskaxdii ka dambaysay abaabulka iyo iskuxirka hawlgallada degaannada Buulo Cabdulle, Mudulow, Buuladoonta, Ugunji, iyo Busley ee Shabeellaha Hoose. Qabashadiisu waxay ciidamada isbahaysiga siinaysaa macluumaad muhiim ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa dagaalyahannada ajaanibta ah ee kooxda dhexdeeda iyo qorshayaashooda weerar ee mustaqbalka dhow iyo jabhadda ku sugan Shabeellaha Hoose.
Falanqayn Guud
- Luminta Hoggaankii Khibradda lahaa: Saham ma ahayn xubin ku cusub kooxda, maadaama uu ka tirsanaa tan iyo 2009kii, waxay ka dhigan tahay in uu lahaa khibrad 17 sano ah. Qabashada sarkaalkan waxay kooxda ka luminaysaa xusuustii hawlgallada, maadaama uu ahaa qof si qotodheer u yaqaannay xeeladihii hore iyo kuwa hadda, gaar ahaan aagga Shabeellada Hoose iyo Banaadir. Sidoo kale, in la qabto taliye guuto isagoo ku jira hawlgal sahan, waxay muujinaysaa in sirdoonka Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed iyo kuwa xulafadu ay awood u yeesheen inay gudaha u galaan qorshayaashii ugu dahsoonaa ee kooxda, taas oo wiiqaysa kalsoonida hoggaanka.
- Isbeddelka Istaraatiijiyadda Kooxda: Xogta sheegaysa in Saham uu hoggaaminayay 17 dagaalyahanno ajaanib ah oo laga soo raray Jilib, loona wareejiyay degaanka Ugunji, waxay tilmaamaysaa culayska saaran Jilib iyo in kooxdu ay bilowday inay saadka iyo dagaalyahannada ugu muhiimsan ka soo saarto saldhigyadooda fog, si ay u difaacdaan ama u weeraraan aagga Shabeellaha Hoose. Sidoo kale, in taliye Soomaali ah loo igmado hoggaanka argaggaxisada ajaanibta ah waxay muujinaysaa kalsoonida weyn ee lagu qabay Saham iyo doorkii muhiimka ahaa ee uu ku lahaa iskuxirka unugyada kala duwan ee kooxda.
- Iskaashiga CXDS Iyo AUSSOM: Hawlgalkan wuxuu guul weyn u yahay iskaashiga cusub, iyadoo ka qaybgalka ciidamada gaarka ah ee Turkiga ay calaamad u tahay weji cusub oo lagu naafaynayo hoggaanka kooxda, halkii ay markii hore ku koobnaan jireen tababbarka iyo taageerada cirka. Sidoo kale, tayada ay muujiyeen Ururka 203aad ee Kumaandooska Gorgor waxay caddayn u tahay inay hadda awood u leeyihiin kahortagga weerarro qorshaysan iyo hawlgallo lagu soo qabanayo bartilmaameedyo muhiim ah, taas oo fursad weyn u ah helitaanka xogo sirdoon oo tayo leh.
- Saamaynta Amni ee Shabeellada Hoose: Degaanka Mubaarak iyo agaggaarkiisu waxay muddo dheer ahaayeen goobo ay kooxdu ka soo abaabusho weerarada lala beegsado caasimadda iyo saldhigyada AUSSOM. Magaca “Saham” ee sarkaalkan loo yaqaanno wuxuu muujinayaa inuu ahaa “indhaha” iyo “sahanka” kooxda, qabashadiisuna waxay indhatirtay unugyadii diyaarinayay weerarka weyn ee Mubaarak, taas oo badbaadisay nafta askar iyo rayid badan. Inkastoo xubno kale ay baxsadeen, haddana xogta laga helayo Saham, waxay fududayn kartaa in la dabagalo, lana baabi’iyo haraadiga unugyadii uu hoggaaminayay.
Gunaanad.
Qabashada Saham waa mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee sanadkan 2026 laga gaaray dhanka sirdoonka milatariga. Ma ahan oo kaliya in laga saaray furinta argaggaxiye khibrad leh, balse waxay dawladda siinaysaa fursad ay ku fahanto sida kooxdu hadda u habaysan tahay, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya unugyada Jilib ka yimaada iyo jabhadda ka hawlgasha Shabeellaha Hoose.
Xigasho: Goobjoog
