Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xarigga ka jaray waddada Dabka iyo Bakaaraha ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka.
Ugu horreyn Xasan Sheekh ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay haatan isku hayaan arrimaha doorashooyinka, kadib markii uu Lafta-gareen sheegay inuu ka baxay heshiiskii uu la galay Villa Somalia.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa duray dhabaha uu qaaday Lafta-gareen, wuxuuna sheegay in uu caddeyn ka hayo iyo saxiix ku aadan ogolaanshaha doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.
“Nin heshiis doorasho nala galay oo aan cadeymo ka heyno ayaa hadda diidaayo warkeenna oo dhahaayo doorasho dadban ayaan rabnaa, adeer waa laga yimi laguna laaban maayo wax kasta oo la aqriyo.” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Sidoo kl, wuxuu intaas ku daray in ay soo dhammaatay doorasho dadban, haatana la joogo waqtigii fursad la siin lahaa dadka Soomaaliyeed, si ay sanduuqa ugu ridaan codkooda, una soo doortaan hoggaankooda.
“Doorasho dadban waqtigeedii waa dhamaaday, doorasho qof iyo cod ah ayaa la aadayaa, waana ku heshiinay dowlad goboleedyada, cid laga yeelayo wax kale majirto,”ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “In dalka doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo qarashka lagu bixiyay hal shilin oo uu ajnabi bixiyay kuma jiro hal qabiir oo ajnabi ah oo talo ku lehna ma jiro”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda Muqdisho iyo Baydhaba, taas oo laga cabsi qabo in ay isku rogto dagaal toos ah, maadaama labada dhinac ay isku uruursanayaan hub iyo ciidan xooggan.
