Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Ciidankii la geeyay Baraawe oo bilaabay fulinta qorshaha Villa Somalia - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Ciidankii la geeyay Baraawe oo bilaabay fulinta qorshaha Villa Somalia


Baraawe (Adduun.com) – Ciidamada gaarka ah ee Haramcad ee dhowaan la geeyay magaalo xeebeedka Baraawe ee caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgala magaaladaas ayaa bilaabay fulinta qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan deegaannada Koonfur Galbeed, maadaama uu dhacay isbeddel wayn.

Ciidamada ayaa maanta isku fidiyay duleedka magaalada, waxayna ka sameeyeen howlgal wadajir ah oo lagu xaqiijinayo amniga guud.

Qoraal kasoo baxay Taliska Haramcad ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Xarshanley ee duleedka magaalada Baraawe, waxaana hoggaaminayay taliyaha guutada koowaad ee qaybta 60-aad Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale iyo Taliye ku xigeenka Haramcad Bakar Abuukar Cali, iyadoo ciidamadu ay isku fidiyeen aaggaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedada howlgalka uu ahaa adkeynta amniga guud ee magaalada, maadaama Baraawe oo isu diyaarinayso martigelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee soo socda, ayna qorsheneyso Villa Somalia.

Inta uu socday howlgalka saraakiisha ayaa sidoo kale si wadajir ah shacabka ula hadlay, iyaga oo codsaday in bulshada ay si buuxda ula shaqeeyaan laamaha amniga, si loo xaqiijiyo nabadgelyo iyo doorashooyin ammaan ah.

Baraawe oo ku taalla xeebta Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhawaan si buuxda ula wareegtay dowladda Soomaaliya, kadib markii ciidamadii maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugnaa halkaas ay gaareen xeebaha magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee maamulka Jubaland.

Tan ayaa imaaneysa, iyada oo dowladda dhexe ay ka adkaatay maamulkii Cabdicasiis Lafta-gareen, isa markaana ay haatan Baydhaba ka qaban-qaabineyso doorashooyin isku sidkan oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka, baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub ee maamulkaasi.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard