Connect with us

News

Ciidanka Jubaland iyo kuwa Danab oo dib u qabsaday deegaanka Kudhaa + Sawirro


Kismaayo (Adduun.com) – Wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka mar kale uu dagaal qaraar ka dhacay deegaanka Kudhaa, halkaas oo ay shalay soo galeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Danab ayaa dib u weeraray deegaanka, waxaana saacado kadib ay ka saareen maleeshiyaadka argagixisada ee shalay qabsaday halkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada ay dib u qabsadeen deegaanka, ayna ka xoreeyeen kooxda Al-Shabaab.

“Ciidamadama Jubbaland iyo Ciidan Danab oo si rasmi ah hadda gacanta ugu dhigay magaalo xeebeedka Kudhaa ee degmada Badhaadhe. Ciidanka ayaa saaka magalada dhowr jiho ka weeraray halkaas oo maleshiyada Khawaarijta ku sugnaayeen 24 sac wax kayar” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo ay ciidanka nolosha ku qabteen xubno Shabaab ahoo dagaalka qayb ka ahaa, kuwaas oo waayey meel u baxsadaan, sida lagu sheegay qoraalka.

“Waxay ciidanka gacanta ku dhigeen qaybo kamid ah maleeshiyada oo waayey meel ka baxsadaan, kadibna ciidamada isku dhiibay” ayaa lasii raaciyay.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay guusha Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Danab ay kasoo hooyeen dagaalka adag ee ay Al-Shabaab kula galeen deegaanka Kudhaa, isaga oo hambalyo iyo boggaadin u diray ciidanka geesiyeyaasha ee jilibka u dhigay maleeshiyaadka weeraray magaaladaasi oo istaraatiiji ah, muddo dheerna laga difaacayay argagixisada.

“Waxaan boggaadinayaa sida aad weli baacsiga iyo sifeynta uga wadaan deegaannadii dirirtu ka dhacday” ayuu qoraalka ku yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in iska caabinta ay muujisay geesinimada ciidanka iyo inay ka feejignaayeen khatarta cadowga, sidaasna looga hortegay.

Xaaladda Kudhaa ayaa maanta deggan, waxaana ka socda howlgallo amni xaqiijin ah oo lagu baacsanayo firxadka maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News