Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta guul wayn ka sheegatay howlgal culus oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo ay si wadajir ah u qaadeen ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM ee ka howlgalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay Al-Shabaab ka xoreeyeen deegaannada Mubaarak iyo Daarusalaam, isla markaana shacabka lagu dul-qaaday dhibtii lagu hayay.
“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Africa Ee AUSSOM & Kuwa UPDF ayaa ka saaray maleeshiyadka Argagixisada ee ku dhuumaaleysanayay deegaanada Mubaarak & Daaru salaam ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Hawlgalkan oo qayb ka ah hawlgalada Bedar ayaa Waxa Shacabka ku dhaqan Deeganadan looga dulqaaday heeryo cadow oo in muda ah saarnayd” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale inta uu socday howlgaka ayaa waxaa lagu laayay maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda, balse talisku ma shaacin tirada rasmiga ah ee la dilay.
Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in ciidamada ay si wadi doonaan howlgalka, ayna ka go’an tahay ciribtirka Khawaarijta.
“Ciidanka XDS waxaa ka go’an ciribtirka maleeshiyaadka argagixisada ee khatarta ku ah amniga shacabka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan nabad iyo amni la isku haleyn karo” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Wasaarada Gaashandhiga iyoTaliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan in howlgallada ka dhanka ah argagixisada ay sii wadi doonaan ilaa laga xaqiijiyo amniga, xasiloonida,iyo nabadda guud ahaan dalkeena”.
Dowladda Soomaaliya ayaa haatan dardar ku wadda howlgallada lagu beegsanayo argagixisada, waxaana shalay ay si rasmi ah ugu dhawaaqday bilaabashada hawlgal cusub oo loogu magac daray “Hawlgalka Hillaac”.

SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Basaasadii Cuuryaanka aheyd | Virginia Hall |
SIRDOON & QISO
Basaasadii Masar ku beertay ciidanka ISR |
SIRDOON & QISO
Shabakadii BASAAS ee Kalkaalisada ka aheyd ka GAZA |
