Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Ciidanka DF oo isku fidiyay deegaannada u dhow Baydhaba lana wareegay… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Ciidanka DF oo isku fidiyay deegaannada u dhow Baydhaba lana wareegay…


Baydhaba (Adduun.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa la baxay Badbaada Koonfur Galbeed ay kusii siqayaan aagga magaalada Baydhaba halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka Lafta-gareen iyo kuwa Itoobiya.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan isbaheysanaya ay dagaal saacado badan qaatay ay la galen kooxda Al-Shabaab ayna la wareegeen deegaanno muhiim ah sida Deynuunaay, Dhanbalka iyo Korog-rogow oo qiyaasti dhowr iyo 10 KM u jira magaalada Baydhaba.

Dhammaan deegaannadan ayaa ah marin muhiim ah oo isku xira waddada aadda Baydhabo iyo Muqdisho, waxayna qabsashadooda ay guul u tahay ciidamada kasoo horjeedo madaxweynaha dib loo doortay ee Koonfur Galbeed.

Ujeedka ciidamadan ayaa sidoo kale ah inay gaaraan gudaha magaalada, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed.

“Gacanta ayaan ku haynaa Daynuunaay, hadda waxaan u sii soconnaa dhanka magaalada Baydhabo,” ayuu yiri Afhayeen Maxamed Xuseen John.

Sidoo kale, wuxuu intaas kusii daray in dagaalka ay qayb ka yihiin diyaarado dagaal oo beegsanaya xarumaha Al-Shabaab, maadaama aaggaas ay gacanta ku hayaan.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dhinaca kale cabsi xooggan laga dareemayaa magaalada Baydhaba, maadaama ay sii kululaaneyso xiisadda labda dhinac.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa bilaabay inay ka barakacaan magaalada, si aysan u saameyn colaadda kasii dareysa ee ka taagan halkaasi.

Si kastaba, xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaa sidoo kale si weyn u hakaday isku socodkii dadweynaha ee deegaannada maamulka, gaar ahaan gaadiidkii geli jiray magaalada Baydhabo.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard