Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Ciidamada ka soo horjeeda Laftagareen oo hub iyo saanad loogu qaybiyay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Ciidamada ka soo horjeeda Laftagareen oo hub iyo saanad loogu qaybiyay


Buurhakaba (Adduun.com) – Dhaq-dhaaq siyaasadeed iyo mid ciidan oo ka dhan ah madaxweynaha maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa haatan ka socda degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo ay ku xooggan yihiin dhinacyada mucaaradka.

Sida ay ogaatay Adduun.com, waxaa hadda sii xoogeysanaya kacdoonka ka dhanka ah Laftagareen, iyada oo ciidamo dheeraad ah lagu diyaariyay Buurhakaba, kadib markii maamulka degmadaas iyo saraakiisha amniga ay kasoo horjeesteen sida ay wax u wadaan hoggaanka Koonfur Galbeed.

Ciidamadan cusub oo tababar gaar ah la siiyay ayaa maanta loo qaybiyay hub iyo darees ciidan, waxayna ku biireen xoogaga kasoo horjeedo maamulka ee ku sugan halkaasi.

Horay mas’uuliyiinta degmada Buurhakaba iyo saraakiisha amniga ayaa u sheegay in ay dayac kala kulmeen maamulka madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, isla markaana ay ku biireen dhinacyada kasoo horjeedo.

Arrintan ayaa muujineyso kororka diidmada siyaasadeed ee ka dhanka ah madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo haatan la kulmayo culeys xooggan, maadaama la’isku diyaarinayo doorashada maamulkaasi.

Lama oga tallaabada uu qaadi doono Laftagareen ee ku aadan dhaq-dhaqaaqyada ka socda degmada Buurhakaba, kuwaas oo uga sii daraya xiisadda taagan.

Horay ayaa waxaa Baydhaba uga dhacay dagaal u dhexeeyay ciidanka amniga iyo kuwa kale oo taabacsan mucaaradka, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burur hantiyeed oo baaxad leh.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard