Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Ciidamada DF oo kusii dhawaanaya Baydhabo iyo wararkii ugu dambeeyay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Ciidamada DF oo kusii dhawaanaya Baydhabo iyo wararkii ugu dambeeyay


Buurhakaba (Adduun.com) – Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka ruqaansaday degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa kusii siqaya magaalada Baydhabo, oo ah xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan gobolka.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadan ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran, isla markaana ay ku wajahan yihiin duleedka magaalada Baydhabo.

Ciidamada Federaalka ayaa la sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay u geli lahaayeen magaalada Baydhabo, inkasta oo magaalada ay ku sugan yihiin ciidamo daacad u ah madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen.

Lafta-gareen ayaa shalay Baydhabo ku qabsaday doorasho uu mar kale kusoo baxay, taas oo si adag uga soo horjeeda Dowladda Federaalka. Arrintan ayaa sii hurisay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac.

Cabsi dagaal ayaa laga dareemayaa duleedka magaalada Baydhabo, maadaama ay isku sii dhawaanayaan ciidamo iska soo horjeeda oo kala taabacsan dhinacyada isku haya maamulka Koonfur Galbeed.

Qaar ka mid ah dadka shacabka ah ayaa bilaabay inay ka barakacaan gudaha Baydhabo iyo duleedka magaalada, iyaga oo ka cabsi qaba in dagaal uu ka qarxo halkaas.

Si kastaba, Lafta-gareen ayaa doonaya inuu sii haysto sharciyadda uu shalay isu sameeyay, xilli siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda ay ku doodayaan in doorashadu aysan ahayn mid sharciyeysan.

Xiisadda ka taagan Baydhabo ayaa u muuqata mid faraha kasii baxaysa, iyadoo dhinacyadu hoos u dhigeen baaqyadii lagu doonayay in lagu joojiyo xiisadda lana raadiyo xal wada-hadal ah, si looga baaqsado dagaal ka dhaca Baydhabo.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard