Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Ciidamada Deni iyo Madoobe oo kusoo wajahan Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay shirka - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Ciidamada Deni iyo Madoobe oo kusoo wajahan Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay shirka


Muqdisho (Adduun.com) – Saacadaha soo socda waxaa magaalada Muqdisho soo gaari doona wufuud hordhac u ah madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo ka qaybgalaya shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

Sida ay ogaatay Adduun.com, marka hore waxaa soo hormari doona ilaalada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo kuwa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), waxaana ku xigi doona wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada labada maamul.

Ilaalada madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa hore looga celiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii Dowladda Federaalka ay sheegtay in tiradoodu badan tahay. Hase yeeshee, haatan iyadoo cadaadis uga yimid beesha caalamka, waxay aqbashay in madaxda labada maamul ay keenaan ciidanka ay rabaan.

Madaxweyneyaasha labada maamul ayaa soo hormaraya waqtigii hore loo qorsheeyay, kadib markii ay soo baxday in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo in Arbacada la ansixiyo wax ka beddelka dastuurka, isla maalintaasna uu saxiixo.

Madaxda labada maamul ayaa doonaya in shirka uu furmo ka hor Khamiista, oo markii hore la qorsheeyay, sida ay ogaatay Adduun.com.

Arrintan ayaa imanaysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu qorsheynayo in Khamiista uu dastuurka la tago shirka, hase yeeshe waxaa muuqata in shirkaasi uu furmi doono ka hor Khamiista, maadaama madaxda maamul-goboleedyadu waqti hore soo gaarayaan Muqdisho.

Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa u arka qorshaha wax ka beddelka dastuurka mid uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga dan leeyahay damac muddo-kororsi, taas oo ay si adag uga horyimaadeen.

Si kastaba, wakiillada beesha caalamka oo dhinacyada cadaadis ku saaray sidii ay u qabsoomi lahaayeen wada-hadalladii loo ballansanaa, ayaa muujinaya sida ay lagama maarmaan u tahay in arrimaha la isku hayo is-afgarad looga gaaro shirka.

Ajendaha shirka ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamadii guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard