Warsheekh (Adduun.com) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale muujiyey doorkooda muhiimka ah ee isku dhafan sugidda amniga iyo garab istaagga bulshada, xilli maanta ku beegan tahay maalinta 1-aad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.
Kadib howlgal lagu xaqiijiyey amniga oo argagixisada looga saaray deegaanka Jabad Godane ee hoostaga degmada Warsheekh, ciidamada Danab ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqay gurmad bani’aadamnimo.
Waxay shacabka deegaanka gaarsiiyeen deeq ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, si loo yareeyo saameynta abaaraha baahsan ee ka jira halkaas, loona taageero qoysaska nugul inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay bulshada Soomaaliyeed si weyn u dareemayso qiimaha nabadda iyo is-caawinta, gaar ahaan bilahan barakeysan.
Sidoo kale, waxay muujinaysaa in howl-gallada Danab aysan ku ekeyn oo keliya dhinaca milatariga, balse ay barbar socdaan dadaallo lagu xoojinayo nolosha iyo rajada bulshada deegaannada laga xoreeyey cadowga.
“Ciidamadu waxay si dhow ula shaqeeyaan shacabka, iyagoo fahamsan in amniga dhabta ahi uu ku dhisan yahay kalsoonida iyo wadajirka bulshada,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka.
Deeqdan la gaarsiiyey shacabka Jabad Godane ayaa astaan u ah isku xirka amniga iyo samafalka, taasoo sare u qaadaysa kalsoonida bulshada iyo rajada mustaqbalka. Waa fariin cad oo muujinaysa in marka dhul la xoreeyo ay la socoto dib u soo nooleyn nololeed iyo garab istaag dhab ah oo loo fidinayo dadka deegaanka.









SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
