Connect with us

News

Booliska Soomaaliya oo hirgelinaya hannaan cusub oo casri ah + Video


Muqdisho (Adduun.com) – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa qorsheynaya hirgelinta hannaan cusub oo suurtagelinaya in saldhigyada booliska, xarunta dambi baarista (CID), maxkamadaha garsoorka iyo xeer-ilaalinta ay si isku mar ah u wada helaan ugana wada shaqeeyaan xogta dambiyada la diiwaangeliyo.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay tababar siisay dhallinyaro loo diyaariyay inay ku shaqeeyaan nidaamkan, si loo dedejiyo loona fududeeyo maaraynta xogta dambiyada dhacaya.

“Waxaa jira hannaan si wadajir ah isugu jira 20-ka saldhig ee booliis ee gobolka Banaadir, hoggaanka baarista dambiyada ee CID, maxkamadda garsoorka iyo xeer ilaalinta, kiiska marka uu dhaco kooxdii ka shaqayn lahayd ayaa tababar u billowday,” ayuu yiri Afhayeenka booliska.

Waxaa uu intaas kusii daray “6-da bil ee ugu horraysa 2026 ayay shaqadaan billaabanee, qofkii la xiro xogtiisa way wada gaaree, baaraha lagu qoray xogtiisa ayaa soo baxee, dowlad aan saaxiib nahay ayaa naga caawinayso.”

Dowlad uusan shaacin magaceeda, oo saaxiib la ah Soomaaliya ayuu afhayeenku sheegay inay gacan ka geysanayso hirgelinta qorshahan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wejiga labaad ee qorshahan la iskugu xiri doono xarunta dambi baarista ee CID iyo gobollada dalka, si loo xoojiyo raadraaca iyo qabashada dambiilayaasha.

Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday qorshayaal lagu casriyeynayo laguna mideynayo shaqada saldhigyada booliska, hay’adda dambi baarista ee CID iyo xeer-ilaalinta, si loo wanaajiyo hab-socodka diiwaangelinta, baarista iyo dabagalka dambiyada.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News