Guriceel (Adduun.com) – Taliska Ciidanka Booliska Guriceel ayaa caawa gacanta kusoo dhigay laba gabdhood oo lagu eedeeyay inay duubeen muuqaallo anshax xumo ah, kadibna ay kusii faafiyeen baraha bulshada.
Labada gadhood oo lagu kala magacaabo Deeqo Cumar Xasan iyo Faadumo Maxamed Xasan ayaa la geeyay saldhigga Guriceel, waxaana ku socda baaritaanno dheeraad ah, sida uu sheegay Taliska Booliska.
Sidoo kale wuxuu Boolisku tilmaamay in labada eedeysane la gayn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
“Taliska Saldhigga Booliska Degmada Guriceel waxay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigeen labo Eedeysane oo lagu eedeeyay inay duubeen muuqaallo anshax-darro ah kuna faafiyeen baraha bulshada. Eedeysanayaasha ayaa kala ah Deeqo Cumar Xasan 19 jir ah iyo Faadumo Maxamed Xasan oo 28 jir ah iyadoo ciidamada Amaanku wadaan baaritaan dhameystiran, iyadoo sharciga la horgeyn doono marka uu dhammaado” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, Booliska ayaa digniin adag u diray reer Guriceel, iyada oo lagu booriyay inay ka fogaadaan waxyaabaha dhaqan xumada ah ee liddiga ku ah diinta iyo dhaqanka suuban.
“Ciidamada amnigu waxay digniin culus u dirayaan dhammaan bulshada Reer Guriceel, iyagoo ku boorinaya in laga fogaado fal kasta oo lid ku ah anshaxa, sharciga, iyo dhaqanka suuban ee bulshada” ayaa lasii raaciyay qoraalka.
Dhanka kale wuxuu Taliska Booliska Guriceel u mahadceliyay dadka deegaanka ee mar weliba kala shaqeeya howlaha sugidda amniga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
“Booliska Degmada Guriceel waxey mahadcelin ballaaran u dirayaan bulshada Reer Guriceel sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen laamaha amniga, iyagoo mar walba door muhiim ah ka qaadanaya sugidda amniga iyo xasilloonida degmada” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka uu soo saaray Talisku.
