Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Bangiga Adduunka oo laga yaabo inuu Soomaaliya ka jaro taageerada dhaqaale + Sababta - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Bangiga Adduunka oo laga yaabo inuu Soomaaliya ka jaro taageerada dhaqaale + Sababta


Muqdisho (Adduun.com) – Bangiga Adduunka ayaa walaac xooggan ka muujinaya xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamullada dalka, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.

Walaacan ayaa salka ku haya cabsi laga qabo in khilaafkaasi uu si toos ah u saameeyo taageerada dhaqaale ee caalamiga ah. Ilo si dhow ula socda arrimahan ayaa sheegay in haddii aan xal degdeg ah laga gaarin ismari-waaga siyaasadeed, ay jirto suuragalnimo sare oo ah in Bangiga Adduunka uu jaro ama hakiyo kabka miisaaniyadeed ee uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tani waxay imaneysa xilli dalka uu wajahayo cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo is biirsaday. Sida wararku tilmaamayaan, kahor bisha May ee soo socota ayaa la filayaa in go’aan rasmi ah laga qaato arrintan, haddii aan horay loogu guuleysan heshiis siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka.

Beesha caalamka ayaa si dhow ula socota xaaladda, iyadoo dalbaneysa in la helo hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay. Arrintan ayaa durba sare u qaadday walaaca laga qabo saameynta ay ku yeelan karto dhaqaalaha guud ee dowladda.

Hakinta taageeradan waxay halis gelin kartaa xasilloonida dhaqaale ee dalka. Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah maamul-goboleedyada mucaaradsan dowladda dhexe ay si dadban u riixayaan tallaabadan, iyagoo ku doodaya in marka la gaaro 15-ka May ay dhammaaneyso muddada sharciyeed ee hoggaanka dowladda federaalka.

Maamul-goboleedyadan ayaa sidoo kale aaminsan in haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, taageero kasta oo caalami ah ay noqon karto mid si gaar ah ugu dhacaysa dowlad aan haysan sharciyad buuxda. Tani waxay sii adkeyn kartaa khilaafka jira, isla markaana sii fogeyn karta isku soo dhowaanshaha dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka.

Bangiga Adduunka ayaa sanad walba Soomaaliya siiya taageero lacageed oo u dhaxaysa $100 milyan ilaa $200 milyan, taasoo lagu taageero dib-u-habeynta nidaamka canshuuraha, horumarinta maamulka maaliyadda, hufnaanta dowladeed iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa. Taageeradan ayaa si adag ugu xiran shuruudo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Si kastaba, ma ahan markii ugu horreysay ee xaalad noocan ah ay dhacdo. Intii lagu jiray xiisaddii siyaasadeed ee sanadkii 2021, gaar ahaan xilligii Khilaafkii doorashada Soomaaliya 2021, Bangiga Adduunka, Midowga Yurub iyo dalal kale ayaa hakiyay taageeradii ay siin jireen Soomaaliya.

Taas oo sabab u ahayd muran xooggan oo ka dhashay muddo-xileedka dowladda iyo eedeymo ku saabsan ku tagri-fal awoodeed. Xaaladda hadda jirta ayaa u muuqata mid dib u soo celin karta culeyskii hore haddii aan xal laga gaarin.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard