Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Axmed Madoobe oo go’aansaday inuu ka tego Muqdisho kadib markii… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Axmed Madoobe oo go’aansaday inuu ka tego Muqdisho kadib markii…


Muqdisho (Adduun.com) – Iyada oo isgoys adag ay gaareen wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, isla markaana ilaa iyo hadda aan la gaarin wax heshiis ah ayaa waxaa lasoo warinayaa in madaxweynaha Jubbaland uu go’aansaday inuu isaga tego magaalada Muqdisho, isaga oo dib ugu laabanayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in Axmed Madoobe uu qorsheeyay in Talaadada berri ah uu dib ugu laabto Kismaayo, kadib maalmo uu ku sugnaa caasimada, isaga iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Arrintan ayaa sii adkeyneyss caqabada hor dadban wada-hadallada oo ka gudbi la’ in heshiis buuxa ay gaaraan labada dhinac, si looga soo afjaro khilaafka daba dheeraaday ‘.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Saciid Deni uu joogi doono caasimada, isaga oo sii wadi doono dhaq-dhaqaaqyada uu haatan ka wada Xenydaabka Xalane, isaga oo sameeynayo olole xooggan oo ku aadan damaciisa siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo isbaheysiga mucaaradka ee la baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku guuldareystay in ay is-fahan ka gaaraan kulamo xasaasi ah oo saacado qaatay oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Somalia. Ilaa iyo haatanna, ma jiraan kulamo dambe oo labada dhinac ay ballameen.

Barta ugu weyn ee is-mari-waaga dhaliyay ayaa ah nooca hannaan doorasho ee dalka lagu hagi doono. Dowladda Federaalka ayaa si xooggan u riixaysa in meesha laga saaro nidaamka doorashada dadban ee ku dhisan hab-qaybsiga qabiilka, kaas oo dalka soo hagayay tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

Taa beddelkeeda, dowladda ayaa doonaysa in loo guuro nidaamka “qof iyo cod”, iyadoo ku doodayso in tallaabadani ay tahay dhabaha kaliya ee looga gudbi karo nidaamka beelaha, loona jiheysan karo dimoqraadiyad toos ah.

Hasa yeeshee, isbaheysiga mucaaradka ayaa si degdeg ah u diiday qorshahaas. Xubnaha naqdinaya dowladda ayaa ku doodaya in isbeddeladan ay halis weyn ku yihiin nidaamka jilicsan ee awood-qaybsiga federaalka, isla markaana ay u xagal-kicin karaan awood isku-koobid.

Si kastaba ha ahaatee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay qabtaan shir jaraa’id, oo ay shaacinayaan waxyaabaha keenay in natiijo la’aan noqdaan wada-hadalladii ka dhacay Villa Soomaaliya.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard