Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Al-Shabaab oo guddoomiye ku dishay magaalada Buulo-mareer - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Al-Shabaab oo guddoomiye ku dishay magaalada Buulo-mareer


Buulo-mareer (Adduun.com) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay maanta Al-Shabaab u gaysteen guddoomiye ku xigeenkii maaliyadda degmada Kuntuwaarey Muxudiin Khaliif Caliyow, xilli uu ku sugnaa magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Marxuumka ayaa saaladdii Casir kadib waxaa toogasho ku dilay rag ku hubeysnaa bistoolado oo waddada u galay, kadibna baxsaday.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in guddoomiyaha ay xabadaha uga dhaceen qaybaha sare, isla markaana uu goobta ku geeriyooday.

“Maanta abaare 3:40PM Al-Shabaab ayaa agagaarka sladhigga Buulo-mareer waxaa lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii maaliyadda degmada Kuntuwaarey, laba bistoolo ayay madaxa uga dhufteen kaligiis ayuuna ahaa” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ragga dilka gaystay ay ku baxsadeen mooto, kadib markii ay hubsadeen inuu dhintay guddoomiye ku xigeenkii degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Marxuumka masaajid ayuu kasoo baxay, waddada ayay u galeen nimanka dilay, kadibna mooto ayay ku baxsadeen” ayuu sii raaciyay.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo aad ugu soo badanayo Buulo-mareer oo ay marar badan soo weerareen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Magaaladan waxaa si buuxda gacanta ku haya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM, kuwaas oo marar badan dagaallo la galay kooxda Al-Shabaab.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard