Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Afhayeenka Lafta-gareen oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray xaaladda Koonfur Galbeed - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Afhayeenka Lafta-gareen oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray xaaladda Koonfur Galbeed


Nairobi (Adduun.com) – Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ah afhayeenka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi,  kadib isbeddelkii dhacay, isaga oo farriin culus u diray shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugaas Xasan ayaa soo jeediyay in khilaafka meel la’iska dhigo, lagana wada shaqeeyo danta guud ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, si looga gudbo xaaladda adag ee taagan.

Sidoo kale, dhalinyarada iyo waxgaradka deegaanka ayaa si toos ah ula hadlay, isaga oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta maamulkooda.

“Waxaan ugu baaqayaanaa madaxda, culimada, odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan shacabka KGS. in ay gacmaha is qabsadaan. iskana kaashanno amniga, horumarka iyo cadaaladda” ayuu yiri afhayeenku.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran;-

Bismillaahi Raxmaani Raxiim.

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

Walaalayaal iyo walaalooyinka sharafta leh ee reer Koonfur Galbeed,
Maanta waxaan idiin la hadlayaa anigoo qalbi furan leh, kana duulaya midnimo, walaaltinimo iyo horumar wadajir ah.KGS

Koonfur Galbeed waa deegaan hodan ku ah taariikh, dhaqan iyo dad karti leh. Waa dhul ay ku wada nool yihiin bulshooyin kala duwan oo leh hal ujeeddo ahna dad nabadeed , iyo mustaqbal wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, horumarkaas wuxuu iman karaa oo keliya marka aan mideyno codkeena, kana gudubno khilaafaadka na kala fogeeya.

Walaalayaal,
Khilaafku waa caadi, laakiin sida aan u xallino ayaa muhiim ah. Waa in aan ka shaqeynaa is-afgarad, wadahadal iyo is-ixtiraam. Qof walba ha ogaado in danta guud ay ka muhiimsan tahay tan gaarka ah.

Dhallinyarada, KGS idinka ayaa mustaqbalka leh. Ka fogaada wax kasta oo kala qeybinaya bulshada, kana shaqeeya waxbarashada , hal-abuur iyo horumar. Haweenka KGS kaalintiinnu waa laf-dhabarta bulshada—ka qeyb qaata dhismaha nabadda iyo kobcinta qoysaska. Iyo nabada

Waxaan ugu baaqayaanaa madaxda, culimada, odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan shacabka KGS. in ay gacmaha is qabsadaan. iskana kaashanno amniga, horumarka iyo cadaaladda.

Ugu dambeyn,
Aan xasuusanno in midnimadu tahay awood, kala qeybsanaantuna tahay tabar darro. Haddii aan isku duubnaano, wax walba waan gaari karnaa.

Sidoo kale marna fursad ha usiinina kowa go aansadey burburinta dowlad nimadiina wada jirkiina iyo ahaanshihiina umadeed

Ilaahay ha inaga dhigo kuwo is jecel, is cafiya, kana shaqeeya wanaagga iyo nabadda.
KGS💪🏿

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard