Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Abiy oo Xasan Sheekh hortiisa ku muujiyay rabitaanka Itoobiya ee badda - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Abiy oo Xasan Sheekh hortiisa ku muujiyay rabitaanka Itoobiya ee badda


Addis Ababa (Adduun.com) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa mar kale muujiyay doonista dalkiisa ee helitaanka marin ku yaalla Badda Cas, xilli uu khudbad ka jeedinayay shir-madaxeedkii Midowga Afrika.

Shirweynahan oo Sabtii ka qabsoomay Addis Ababa ayaa waxaa madaxda madasha ku sugnaa kamid ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Abiy ayaa khudbadiisa ku muujiyay in arrintan ay tahay mid istiraatiiji u ah nolosha dalalka dadka badan leh.

“Waddamada dadka badan kama joogsan karaan xad-gudubka juqraafiga,” ayuu yiri Abiy Axmed.

Sidoo kale waxa uu carrabka ku adkeeyay in marin badeed la idku haleyn karo uu laf-dhabar u yahay ganacsiga, horumarinta warshadaha, sugnaanta cuntada iyo adkeysiga dhaqaalaha.

“Waxaa muhiim ah in la hubiyo marin bad oo ammaan ah iyada oo loo marayo iskaashi nabdoon,” ayuu Abiy shirka ka sheegay.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay dooneyso marin bad oo nabdoon oo lagu gaaro wadahadal iyo iskaashi dan-wadaag ah, halkii ay ka dooran lahayd xiisado iyo isqabqabsi.

Wuxuu xusay in dekeduhu aysan ahayn oo keliya meelaha laga dhoofiyo laguna soo dejiyo badeecadaha, balse ay yihiin tiirarka isku xirka gobolka iyo barwaaqo wadaag ah.

Sidoo kale, Abiy ayaa ka hadlay jawiga caalamka ee hadda jira, isagoo sheegay in dunidu ku jirto marxalad isbeddel iyo hubanti la’aan leh, isla markaana Afrika u baahan tahay midnimo, kalsooni iyo tallaabo wadajir ah si ay uga gudubto duruufahaas.

“Waxaan ku noolnahay xilli kala guur iyo hubanti la’aan caalami ah. Xoogga Afrika xilligan wuxuu ku xiran yahay midnimo, kalsooni, iyo waxqabad wadajir ah.”

Itoobiya ayaa bad la’aan noqotay tan iyo markii Eritrea ay madax-bannaanideeda qaadatay sanadkii 1993, waxaana marar badan soo noq-noqday hadallada muujinaya sida ay u danaynayso helitaanka marin badeed.

Abiy ayaa markasya ku dooda in aysan macquul ahayn in dal ay ku nool yihiin in ka badan 130 milyan oo qof uu sii ahaado bad la’aan, wuxuuna helitaanka Badda Cas gaarsiiya arrin “jiritaan” u ah Itoobiya.

Inkasta oo uusan magacaabin deked ama dal gaar ah, hadalladiisu waxay kusoo beegmayaan xilli doodaha arrintan la xiriira ay ka taagan yihiin gobolka.

Damaca Itoobiya ee badda ayaa waxa uu xiisaddo hor leh ka riday dalal kamid tahay Soomaaliya, iyadoo isku-daygii ugu weynaa ee Itoobiya ay ku doonaysay marin badeed uu yimid 1-dii Janaayo 2024, markaas oo heshiis is-afgarad (MoU) la gashay maamulka Somaliland.

Heshiiskaas, Somaliland waxa uu Itoobiya siinayay marin badeed ganacsi iyo mid ciidan. Mas’uuliyiinta Hargeysa ayaa sheegay in heshiisku dhigayay in Itoobiya ay beddelkeeda aqoonsato madaxbannaanida Somaliland.

Soomaaliya ayaa isla markiiba diiday heshiiskaas, iyadoo ku tilmaantay sharci-darro. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii dambe saxiixay sharci burinaya heshiiskaas.

Khilaafkaas ayaa dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed oo aad u adag oo u dhaxaysa Addis Ababa iyo Muqdisho, iyadoo Soomaaliya wacad ku martay difaaca madax-bannaanideeda haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo heshiiskaas, oo markii dambe fashilmay.

Bishii December 2024, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa saxiixay Baaqa Ankara, oo uu fududeeyay Turkigu, kaas oo horseeday in la soo afjaro xiisaddii, uuna mar kale xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa uu dib u soo laabto. Labada dhinac ayaa dib u xaqiijiyay ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard