Muqdisho (Adduun.com) – Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay koror ku yimid kiisaska dadka la ildaran xanuun sababa shuban iyo fuuqbax, kuwaas oo isugu jira da’ kala duwan, sida ay xaqiijiyeen ilo caafimaad oo la hadlay warbaahinta.
Ilo-wareedyada ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka uu haleelay xanuunkan loo qaaday xarumaha caafimaadka iyo isbitaallada ku yaalla caasimadda, kadib markii ay soo wajahday xaalad caafimaad oo u baahatay daryeel degdeg ah.
Dhaqaatiirta ka howlgasha isbitaallada Muqdisho ayaa baaritaanno ku sameeyay bukaannada la geeyay xarumaha caafimaadka, xilli ay sii kordhayaan kiisaska la xiriira xanuunkan oo si gaar ah looga dareemayo xaafado kala duwan oo magaalada ka tirsan.
Dr. Sahra Isaaq oo ku takhasustay cudurrada carruurta ayaa baraha bulshada ku baahisay muuqaal ay ku sharxeyso tallaabooyinka degdegga ah ee la qaadi karo marka la arko qof la ildaran xaaladdan, ka hor inta aan loo gudbin goob caafimaad.
Sida ay sheegayaan shaqaalaha caafimaadka, carruurta ayaa ka mid ah dadka ugu badan ee uu saameeyay xanuunkan, waxaana xarumaha caafimaadka lagu arkayaa carruur badan oo la siinayo faleembooyin iyo daawooyin looga hortagayo fuuqbaxa.
Mid ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgasha xarun caafimaad oo ku taalla Muqdisho ayaa sheegay in maalmihii dambe ay qabteen tiro badan oo bukaanno ah, kuwaas oo intooda badan xaaladdoodu soo hagaagtay kadib markii ay heleen daryeel caafimaad iyo daaweyn ku habboon.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kororka kiisaskan ama tallaabooyinka ay qorsheyneyso si looga hortago faafitaanka xanuunka iyo saameynta uu ku yeelan karo bulshada.
