Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xisbiga Shariif oo digniin culus kasoo saaray dhammaadka muddo xileedka BF - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xisbiga Shariif oo digniin culus kasoo saaray dhammaadka muddo xileedka BF


Muqdisho (Adduun.com) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa digniin culus kasoo saaray dhamaadka muddo xileedka Baarlamaanka dalka oo ku ekaa maanta oo ah ku beegan tahay 14-ka April 2026.

Xisbiga ayaa shaaca ka qaaday in nasiib darro uu arko in uu dhamaaday muddo xileedkii hay’adda sharci dajinta, ayna halis ku tahay nidaamka dowladnimada iyo sharciga dalka.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in muddo xileedka hay’addaha dastuuriga ah ee dalka ay yihiin tiirka koowaad ee sarreynta sharciga iyo socod-siinta Hawl-maalmeedka dowladnimo, wuxuuna Xisbiga Himilo Qaran nasiib-darro u arkaa in muddo xileedkii hay’addii ugu sarreysay dalka ee Baarlamaanka uu dhamaaday, taasoo halis ku ah geedi-socodka dowlad-dhiska dalkeenna oo isagu ah mid jilicsan” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran ayaa ka digay in arrintan ay ka dhalan karto khatar weyn haddii la galo xaalad dhinaca dastuuriga ah ama muddo dhaaf sharci darro ah, taas oo dhaawici karta dhismaha iyo hannaanka dowladnimada dalka, sida lagu xusay warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo uu xisbigu walaac ka muujiyay tallaabooyin uu tilmaamay kuwo hal dhinac ah oo uu qaadayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo ay sheegeen inay halis ku yihiin hannaanka siyaasadeedda iyo dowladnimada dalka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay xulafo la yihiin dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa haatan si wadajir ah fariimo ugu diraya beesha caalamka, iyagoo ku wargelinaya in uu si rasmi ah u dhammaaday muddo-xileedkii Baarlamanka, isla markaana ay jirto baahi loo qabo in cadaadis diblomaasiyadeed la saaro Dowladda Federaalka.

Dhamaadka muddada Baarlamanka ayaa imaanaya iyadoo weli uu taagan yahay muran xooggan oo ka dhashay dastuurka cusub ee ay meel-marisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano, taas oo ay si adag uga soo horjeesteen mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah iyada oo weli dood xooggan ay ka taagan tahay hanaanka doorashooyinka dalka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ka ahaa ee 2012-kii.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard