Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xasan Sheekh oo safar dibadeed u baxaya + Ujeedka - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xasan Sheekh oo safar dibadeed u baxaya + Ujeedka


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu u baxo safar dibadeed, isaga oo kusii jeeda dalka Turkiga oo saaxib la ah Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa safarkan ku wehlin doono wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Cabdulqadir Maxamed Nuur Jaamac iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibada Cali Balcad oo iyana kulamo ka bilaabayo dalkaasi.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in madaxweynaha uu ka qayb-gali doono madasha Antalya Diplomacy Forum 2026 oo dhacaysa inta u dhexeysa 17–19 April, taas oo diiradda lagu saarayo mustaqbalka diblomaasiyadda iyo xasilloonida caalamka.

Madashan ayaa sidoo kale la filayaa inay ka qayb-galaan in ka badan 150 dal, oo ay ku jiraan illaa 20 madaxweyne, 15 hoggaamiye ku-xigeenno ah, iyo in ka badan 50 wasiirro arrimo dibadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaaminayo wafdiga Soomaaliya ee ka qayb-galaya shirkan ayaa lagu wadaa in madasha uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah, oo uu uga hadlayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan guulaha diblumaasiyadeed, amni iyo dhaqaale ee ay ku tallaabsatay dowladdiisa.

Waxaa kale oo qorshuhu yahay in uu soo bandhigo fursadaha ka jira Soomaaliya oo haatan soo saareyso shidaal uu ka caawinayo Turkiga.

Waa shirkii shanaad oo ay yeelanayaan madaxda isugu tageysa magaalada Antalya ee dalka Turkiga, tan iyo markii madasha la aas-aasay sanadkii 2021-kii, waxaana Soomaaliya ay qayb ka tahay dalalka firfircoon ee madashaas.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard