Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Farmaajo oo sheegay in Soomaaliya ay gashay halis - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Farmaajo oo sheegay in Soomaaliya ay gashay halis


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad halis ah iyo hubanti la’aan, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkii Baarlamaanka dalka.

Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay keentay jahwareerka weli ka jiro doorashooyinka, isaga oo intaas ku daray in dastuurkii dalka lagu tuntay.

“Soomaaliya waxa ay gashay marxalad halis ah oo taabanaysa amniga, wadajirka iyo dowladnimada, taas oo ay aasaas u tahay hubanti la’aanta arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka. Muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka ayaa si rasmi ah u dhammaaday maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Abriil 2026, sida uu xaddiday Dastuurka Kumeel gaarka ah ee 2012, gaar ahaan farqadaha 1-aad iyo 2aad ee Qodobka 60-aad, iyadoo ay ahayd in doorashada Xildhibaannada cusub la dhammaystiro ka hor dhammaadka muddada Golaha jira” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Sida ku cad Qodobka 69-aad ee Dastuurka, awoodda dastuuriga ah ee Baarlamaanka waxa ay saldhig u tahay jiritaanka iyo sharciyadda hay’adaha dowliga ah, haddaba iyadoo muddo xileedkii Baarlamaanka uu dhammaaday islamarkaana aan weli la soo dhisin Baarlamaan cusub, waxaa muuqata khatar sharci iyo mid dowladnimo oo dalku galay, taas oo horseedi karta jahwareer sharci, isla xisaabtan la’aan iyo ku tagri-fal awoodeed”.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in gabaabsi uu yahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ayna u hartay 31 maalmood oo kaliya, sida uu ku caddeeyay warsaxaafadeedkiisa.

“Waxaa ka harsan muddo-xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha, 31 maalmood oo keliya sida uu dhigayo Qodobka 91-aad ee Dastuurka. Marxaladdan xasaasiga ah waxay u baahan tahay in si deg-deg ah looga shaqeeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo horseeda doorasho hufan, lagu kalsoonaan karo, loogana hortago firaaq dastuuri ah oo halis gelin kara xasilloonida iyo dowladnimada dalka”. ayuu mar kale yiri Maxamed Farmaajo.

Dhanka kale, Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay xulafo la yihiin dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa iyaguna maanta si wadajir ah fariin ugu diraya beesha caalamka, iyagoo ku wargelinaya in uu si rasmi ah u dhammaaday muddo-xileedkii baarlamanka, isla markaana ay jirto baahi loo qabo in cadaadis diblomaasiyadeed la saaro Dowladda Federaalka.

Dhamaadka muddada Baarlamanka ayaa imaanaya iyadoo weli uu taagan yahay muran xooggan oo ka dhashay dastuurka cusub ee ay meel-marisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano, taas oo ay si adag uga soo horjeesteen mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada dalka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard