Muqdisho (Adduun.com) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal guuleystay oo xalay ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo lagu fashilyay weerar qaraxyo ah.
Ciidamada amniga oo helay xogo sirdoon ayaa gacanta kusoo dhigay mooto sidday qudaar oo lagu soo dhex qariyay hoobiyeyaal iyo qaraxyo ay laamaha sheegeen in la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudah caasimada.
Mootada iyo ninkii wday ayaa waxaa lagu qabtay aagga degmada Dayniile, xillii uu waduhu doonayay inuu gudaha usoo galo magaalada Muqdisho.
“Ciidamada ammaanka ee caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo amni oo shacabka Caasimadda ay gacan ka geysteen ayaa caawa abaaro 23:40 PM ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin ay Khawaarijtu rabeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, kuna qalqal-geliyaan amaanka Caasimadda” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adaha amniga.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidamada amniga oo hayey xogta dhaqdhaqaaqa cadowga ayaa gudaha iyo daafaha degmada Deyniile ka fuliyey howlgal ay ku soo qabteen Mooto siday ilaa shan Hoobiye oo juwaano Qudaar ah lagu soo dhex-qariyey, taas oo Khawaarijtu ay doonayeen inay soo geliyaan gudaha Caasimadda Muqdisho”.
Sidoo kale, ciidamada ayaa ka horrtegay in wadaha uu qarxiyo qalabkii uu waday iyo mootada, iyadoo lasoo bandhigay sawirrada hoobiyeyaasha la qabtay iyo mootadii Qudaarta siday ee lagu soo dhexqariyey.
Dhanka kale, saraakiishaa amniga ayaa shacabka uga mahadceliyey doorka muuqda ee sugidda amniga ay ka qaadanayaan, iyagoo balan-qaaday in habeen iyo maalin ay u taagnaa doonaan ilaalinta amniga, badqabka bulshada iyo ka hortagga dhagaraha cadowga Khawaarijta ah.
Ammaanka caasimada ayaa muddooyinkii u dambeeyay deganaa, iyadoo laga nastay weeraradii iyo qaraxyadii horay uga dhici jiray degmooyinka gobolka Banaadir.

