Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Markabkii uu soo diray Turkiga oo soo gaaray dekedda Muqdisho + Sawirro - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Markabkii uu soo diray Turkiga oo soo gaaray dekedda Muqdisho + Sawirro


Muqdisho (Adduun.com) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saaka soo gaaray markabka qodaya shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo ay soo dirtay dowladda Turkiga.

Markabkan oo la sugayay ayaa la filayaa in madaxda qaranka ay ka qayb-galaan munaasabadda soo dhaweyntiisa, wuxuuna hordhac u yahay maraakiib kale oo imaan doono dalka, kana qayb qaadanayo howlaha qodista shidaalka.

Sida ay ogaatay Adduun.com, markabkan ayaa toddobaadka soo socda u jihaysan doono xeebaha Galmudug, halkaas oo laga dardargelin doono howsha soo saarista shidaalka, maadaam horay looga sameeyay sahanno shidaal, lagana helay.

Markabka ayaa si gaar ah u qodi doono ceel ku yaalla meel qiyaastii 372 kiiloomitir u jirta xeebaha Soomaaliya. Ceelkaas ayaa loo bixiyay “Curad-1”, waxaana la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah ceelasha shidaal ee ugu qoto dheer dunida ee badda laga qodo.

Goobta qodista ayaa la xushay kadib markii markabka cilmi-baarista dhulka ee Turkiga, Oruç Reis, uu 234 maalmood ku qaatay ururinta xogta juqraafiyeed ee saddex baloog oo ku yaalla biyaha Soomaaliya. Baaritaannadaas ayaa daboolay aag dhan 4,464 kiiloomitir oo laba jibbaaran, ka hor inta aan khubaradu go’aamin goobtan loo arkay inay tahay meel rajo weyn leh.

Howlgalkan ayaa la shaaciyey in uu socon doono ku dhowaad 10 bilood, taasoo noqoneysa howlgalkii ugu horreeyay ee Turkigu ka fuliyo meel ka baxsan xuduudihiisa.

Si kastaba, howlgalka Soomaaliya wuxuu qeyb ka yahay dadaalka ballaaran ee Turkiga uu ku doonayo inuu ku fidiyo sahminta shidaalka iyo gaaska ee dibadda, isla markaana uu ku yareeyo ku tiirsanaanta tamarta dibadda laga soo dejiyo.

Tallaabadan ayaa ah muhiim ah oo muujinaysa horumar la taaban karo, isla markaana kor u qaadaysa rajada laga qabo kobaca dhaqaalaha dalka, ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah, iyo dhisidda mustaqbal barwaaqo leh.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard