Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweysay heshiiska xabbad-joojinta ee Mareykanka iyo Iiraan, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay mid muhiim u ah dejinta xiisadaha sii xoogeysanayay ee gobolka iyo caalamka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu muujiyay in heshiiskan uu yahay guul diblomaasiyadeed oo ka tarjumeysa dadaallo miro dhal ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida, gaar ahaan marka la eego saameynta uu ku leeyahay amniga guud ee dunida.
Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadisay doorka ay qaateen labada dhinac ee xabbad-joojinta gaaray, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo is-xakamayn, wada-hadal iyo xal nabadeed oo lagu dhammeeyo khilaafaadka cakiran ee ka dhex jira dalalka awoodda leh.
“Soomaaliya waxay si gaar ah u muujinaysaa qaddarin qoto dheer oo ay u hayso Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Turkiga, iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, dadaalladoodii wax-ku-oolka ahaa ee dhexdhexaadinta, kuwaas oo si muuqata uga qeyb qaatay isu soo dhowaanshaha dhinacyada iyo hirgelinta heshiiskan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday in hirgelinta heshiiskan ay muhiim u tahay xasilloonida marin-badeedka iyo dhaqaalaha caalamka, iyadoo ku baaqday in la sii wado wada-hadallada si loo gaaro nabad waarta oo ku dhisan is-ixtiraam iyo iskaashi.
“Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay taageerto dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo nabadda, lagu dhimayo xiisadaha, laguna horumarinayo xasilloonida gobolka.”
Kadib toddobaadyo adag oo uu galay Bariga Dhexe, Mareykanka iyo Iiraan ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin ku meel gaar ah oo soconaysa 14 maalmood, taas oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo colaaddii sii xoogeysanaysay ee gobolka.
Heshiiskaas ayaa sidoo kale qayb ka ahaa dadaallo diblomaasiyadeed oo ballaaran, oo ay garwadeen ka ahayd Pakistan, iyadoo lagu heshiiyay in la hakiyo weerarrada labada dhinac inta lagu guda jiro muddada xabbad-joojinta.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u soo dhoweynaysaa ku dhawaaqista heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Dowladda Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo u aragta tallaabo muhiim ah, kana tarjumaysa dadaal wax-ku-ool ah oo lagu dejinayo xiisadaha, laguna ilaalinayo nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami.
Soomaaliya waxay ku bogaadinaysaa Dowladda Maraykanka doorkeeda hoggaamineed ee ku aaddan dhiirrigelinta is-xakamayn iyo wadahadal.
Waxay sidoo kale bogaadinaysaa doorka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ee taageeridda waddo diblomaasiyadeed oo horseedi karta is-afgarad iyo xasillooni waarta.
Soomaaliya waxay si gaar ah u muujinaysaa qaddarin qoto dheer oo ay u hayso Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Turkiga, iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, dadaalladoodii wax-ku-oolka ahaa ee dhexdhexaadinta, kuwaas oo si muuqata uga qeyb qaatay isu soo dhowaanshaha dhinacyada iyo hirgelinta heshiiskan.
Iyadoo Soomaaliya ay si dhow ula xiriirto xasilloonida Badda Cas iyo guud ahaan gobolka Khaliijka, waxay adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo hirgeliyo loona ixtiraamo heshiiska xabbad-joojinta, waxayna ku baaqaysaa in la sii wado wadahadallo joogto ah, oo miro-dhal ah si loo gaaro xal waara,
Amniga marinnada badda iyo joogtaynta socodka aan kala go’a lahayn ee ganacsiga caalamiga ahi waxay weli laf-dhabar u yihiin xasilloonida gobolka iyo adkeysiga dhaqaalaha caalamka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale dib u xaqiijinaysaa mowqifkeeda mabda’a ku dhisan ee ku aaddan xallinta khilaafaadka si nabadeed, ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha, iyo doorka udub-dhexaadka u ah ee diblomaasiyaddu ku leedahay wax ka qabashada qalalaasaha caalamiga ah.
Soomaaliya waxay sidoo kale adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay in si buuxda loogu hoggaansamo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay, gaar ahaan xallinta khilaafaadka iyadoo la adeegsanayo hannaan nabadeed.
Xabbad-joojintan waa in aan loo arkin gunaanad, balse loo arkaa saldhig muhiim ah oo gogol u ah dhismaha nabad waarta oo ku qotonta wadahadal, is-ixtiraam, iyo masuuliyad wadajir ah.
Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay taageerto dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo nabadda, lagu dhimayo xiisadaha, laguna horumarinayo xasilloonida gobolka.
— DHAMMAAD —
