Minsk (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safiir aan deggenayn ku yeelanaysa dalka Belarus, kaas oo uu u qaabilsanaanayo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka.
Danjire Maxamuud Subeer ayaa maanta nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay Wasiir ku-xigeenka koowaad ee Arrimaha Dibadda Belarus, Sergey Lukashevich.
Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Belarus, iyadoo si rasmi ah loo soo dhaweeyay safiirka, taas oo muujinaysa bilowga howlaha diblomaasiyadeed ee uu ka fulin doono dalkaas.
Intii ay munaasabadda socotay, Danjire Subeyr ayaa gaarsiiyay Wasiir ku-xigeenka salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal.
Safiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay ka go’naanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay danaynayso xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga iyo dhaqanka, si loo helo iskaashi waara oo labada dhinacba anfaca.
Dhankiisa, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Belarus ayaa soo dhaweeyay safiirka cusub, isagoo muujiyay diyaar-garowga dalkiisa ee ku aaddan horumarinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay horumarinta danaha wadajirka ah, ka qeyb qaadashada xasilloonida gobolka iyo kor u qaadidda iskaashiga heer caalami.
