Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xabad-joojinta Iran iyo Mareykanka miyey jabtay – Maxaa dhacay heshiiska kadib? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xabad-joojinta Iran iyo Mareykanka miyey jabtay – Maxaa dhacay heshiiska kadib?


Tehran (Adduun.com) – Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday inay soo ridday diyaarad casri ah oo nooca aan duuliyaha lahayn (drone) ah oo ay leedahay Israa’iil, xilli ay soo gashay hawada magaalada Lar ee koonfurta dalkaas, xilli dhawaan la gaaray xabbad-joojinta.

Telefishinka dowladda Iiraan oo soo xiganaya bayaan ka soo baxay Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa sheegay in diyaaraddan oo lagu magacaabo Hermes 900 lagu burburiyay hawada gobolka Fars, kadib markii ay haleeshay nidaamka difaaca hawada ee casriga ah ee ciidamadaas.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in diyaaradda si toos ah loo qabtay ka hor inta aysan fulin wax howlgal milatari ah, iyadoo lagu tilmaamay inay ahayd xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida hawada Iiraan.

“Daqiiqado ka hor, diyaarad nooceedu yahay Hermes 900 ayaa lagu dhex qabtay laguna burburiyay hawada magaalada Lar, kadib markii ay haleeshay rasaas ka timid nidaamka casriga ah ee difaaca hawada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka IRGC.

Ciidamada Iiraan ayaa si adag uga digay in soo gelitaanka diyaaradaha ay leeyihiin Mareykanka ama Israa’iil ee hawada dalka—xitaa haddii aysan fulin weerarro toos ah—loo arki doono jebin cad oo ka dhan ah heshiiska xabbad-joojinta, isla markaana ay ka dhalan doonto jawaab adag oo milatari.

Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa xilli dhowaan ay Iiraan iyo Mareykanka ku heshiiyeen xabbad-joojin ku meel gaar ah oo soconaysa 14 maalmood, taas oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo colaaddii sii xoogeysanaysay ee gobolka.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale qayb ka ahaa dadaallo diblomaasiyadeed oo ballaaran, oo ay garwadeen ka ahayd Pakistan, iyadoo lagu heshiiyay in la hakiyo weerarrada labada dhinac inta lagu guda jiro muddada xabbad-joojinta, ayna bilaabanayaan wada-hadallada.

Si kastaba, dhacdadan cusub ayaa muujineysa nuglaanta heshiiskaas, iyadoo IRGC ay wacad ku martay inay si adag uga jawaabi doonto xadgudub kasta, isla markaana ugu baaqday waddamada Khaliijka inay ka fogaadaan waxa ay ku tilmaantay wada-shaqeynta ay la leeyihiin Washington.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard