Baydhabo (Adduun.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaba-gabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu la yeeshay mas’uuliyiinta, hoggaanka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada bulshada, nabadeynta, dardargelinta dowlad dhiska iyo hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta dalka, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo midnimo qaran, xasillooni siyaasadeed iyo dowladnimo ku dhisan wadajir iyo ka qaybgal bulsho.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay hoggaanka siyaasadda, odayaasha dhaqanka iyo bulshada Koonfur Galbeed in ay sii xoojiyaan wadajirka, iskaashiga iyo isu tanaasulka siyaasadeed, isla markaana laga fogaado waxkasta oo keeni kara kala qaybsanaan bulsho, si loo ilaaliyo xasilloonida deegaannada, loona abuuro jawi ku habboon horumar iyo dowladnimo waarta.
Kulamadaan, waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo mas’uuliyiin kale.
Kulamada Madaxweynaha ee Baydhabo ayaa yimid kaddib isbeddel siyaasadeed oo ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan markii uu meesha ka baxay maamulkii uu hoggaaminayay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, taas oo abuurtay xaalad u baahan xal degdeg ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan dib ugu soo laabanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in inta badan dhinacyadii ku lugta lahaa khilaafka laga gaaray is-afgarad hordhac ah, kaas oo horseedi kara hannaan doorasho oo wada ogol ah gudaha maamulka.
Sida qorshuhu yahay, 28-ka bishan April waxaa la qaban doonaa doorashooyin isku sidkan oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka iyo xubnaha wakiilada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo saldhig u noqon doona dhismaha maamulka cusub.
Doorashooyinkan kadib ayaa la filayaa in la guda galo doorashada Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo la sheegayo in ay ka dhici doonto jawi siyaasadeed oo aad u kulul, iyadoo ay jiraan musharixiin dhowr ah oo tartan adag ku jira.
















