Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Madaxweyne Xasan oo kulamo ka wada Baydhaba iyo amar cusub oo kasoo baxay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Madaxweyne Xasan oo kulamo ka wada Baydhaba iyo amar cusub oo kasoo baxay


Baydhabo (Adduun.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Cali Watiin.

Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray xaaladda guud ee magaalada Baydhabo, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka iyo adeegyada bulshada ee ay u baahan yihiin shacabka ku nool magaalada.

Madaxweynaha ayaa Duqa degmada ka dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda amni ee magaalada, dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadgelyada, horumarka laga sameeyey adeegyada aasaasiga ah iyo caqabadaha wali taagan ee u baahan taageero dheeraad ah.

Duqa Baydhabo ayaa sidoo kale Madaxweynaha la wadaagay qorshayaasha maamulka degmada ee ku aaddan horumarinta magaalada, isagoo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo iskaashi dhow oo dhex mara dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey shaqada maamulka degmada Baydhabo, isagoo xusay in horumarka magaalada uu ku xiran yahay wada shaqeyn dhab ah oo dhexmarta hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo bulshada rayidka ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa amar cusub dul dhigay hay’adaha dowladda, isagoo faray in la dardargeliyo hirgelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijyada gurmadka, si loo xoojiyo adkeysiga bulshada loona horumariyo kaabeyaasha nolosha ee magaalada.

Kulankan waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, Hoggaamiyaha KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf Cali.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard