Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xog ku saabsan ciidanka ku sugan banaanka Baydhaba iyo waxa ay damacsan yihiin - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xog ku saabsan ciidanka ku sugan banaanka Baydhaba iyo waxa ay damacsan yihiin


Baydhaba (Adduun.com) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hoos u dhigay cabsi laga muujiyey ciidamada iyo gaadiidka dagaalka ee ku sugan duleedka Baydhabo, isaga oo sheegay in ciidamadu aysan ahayn kuwo fallaagoobay, balse loo dhigay sugidda amniga hareeraha magaalada kadib dagaalkii ka dhacay gudaha Baydhaba.

Kadib markii xilka laga tuuray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, waxaa jiray warar sheegaya in ay banaanka Baydhaba joogaan ciidan taabacsan oo fallaago ah.

Hase yeeshee, afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in ciidamadaasi looga fogeeyey gudaha magaalada si looga hortago in qalalaase amni uu ka dhasho aagga bannaanka Baydhaba, maadaama magaalada gudaheeda lagu dagaallamay.

“Ciidamadu waxay sugayaan amniga, maadaama gudaha lagu dagaallamay amniga bannaankana meesha ka bixi karo oo halis geli karo, marka sidaas ayay bannaanka u joogaan,” ayuu yiri afhayeenka.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo weli ay taagan yihiin su’aalo la xiriira tallaabooyinka xiga ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii madaxweynihii hore ee maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu shaaciyey inuu iska casilay xilkii madaxweynaha.

Qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ayuu Laftagareen ku sheegay inuu xilka iska casilay laga bilaabo 30-ka March 2026.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 30 March 2026, waxaan iska casilay xilka Madaxweynaha DGKS anigoo ah Md Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen,” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Tan iyo markii uu ku dhawaaqay is-casilaaddiisa, waxaa isa soo tarayey hadal-heyn ku saabsan in xaaladda siyaasadeed ee Baydhaba ay sidaas ku soo afjarmayso iyo in weli ay jiri karaan isbedello kale oo soo socda.

Afhayeenka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dagaalkii Isniintii ka dhacay Baydhaba, kaas oo dhexmaray ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka, uu ahaa mid nasiib darro ah balse laga sii saadaalin karayey.

Waxa uu sheegay in dhinacooda ay go’aan ku gaareen inay kala badbaadiyaan ciidamada, arrintaasina ay qeyb ka ahayd sababihii keenay in Laftagareen uu isaga baxo Baydhaba, una duulo Nairobi, halkaas oo uu hadda ku sugan yahay.

Dhanka kale, waxaa soo baxay warar sheegaya in Laftagareen uu weli ku adkeysanayo inuu yahay madaxweynaha Koonfur Galbeed, isla markaana aanu ku qanacsanayn sida dowladda federaalku u wajahday maamulkiisii.

Hase yeeshee, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah uga hadlo arrintaas, isaga oo sheegay in go’aannadaas ay yihiin kuwo u gaar ah Laftagareen, islamarkaana uu isagu waqtiga ku habboon ka hadli doono qorshihiisa.

Sidoo kale, markii la weydiiyey in Laftagareen uu ka laabtay go’aankii is-casilaadda iyo in kale, afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed mar kale wuu ka gaabsaday inuu jawaab cad ka bixiyo, isaga oo ku adkeystay inuusan bixin karin xog faah-faahsan oo ku saabsan go’aanka iyo qorshaha madaxweynihii hore ee maamulkaas.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard