Baydhabo (Adduun.com) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta booqday xarunta qaybta 3-aad ee howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee magaalada Baydhabo.
Wasiirka ayaa kulan la qaatay Taliyaha qaybta 3-aad, S/Guuto Teklu Hurisa Janka, kana qaatay warbixin ku saabsan hawlaha qeybta, horumarka howl-gallada iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada AUSSOM ee ka hawlgala deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahad-celiyay doorka ay ka qaataan taageeridda hawl-gallada ciidanka xoogga dalka iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Sidoo kale wuxuucarrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta hawl-gallada wadajirka ee lagula dagaalamayo argagixisada, isagoo saraakiisha Itoobiya ka dalbaday inay xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin milatariga Soomaaliya.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibbada caalamka, gaar ahaan howlgalka AUSSOM, si loo dardar-geliyo guulaha laga gaarayo la-dagaallanka argagixisada iyo dardar-gelinta hawl-gallada wadajirka ah.
Dowladda Federaalka ayaa dhawaan si buuxda ula wareegtay magaalada Baydhabo iyo guud ahaan maamulka Koofur Galbeed, kaasoo hore looga arki jiray farogalinta siyaasadeed ee Itoobiya.
Tan ayaa muujinaysa sida xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uu isku beddelay, iyadoo labada dal ay ka gudbeen marxalado hore oo ay jireen xiisado siyaasadeed iyo isfaham la’aan, una gudbeen heer cusub oo iskaashi iyo wada shaqeyn ku dhisan.





