
Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta u diiwaangelisay markabka “Guney” (IMO 8230417) oo qaatay Calanka Soomaaliya, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Wasiirka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay burburkii dalka kadib ee markab lagu diiwaangeliyo Calanka Soomaaliya, taasoo astaan u ah dib-u-soo-nooleynta awoodda iyo sumcadda Calanka Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in arrintan ay ku timid kadib dhammaystirka dhammaan shuruucdii loo baahnaa in dal uu bixiyo Calan.
Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in Dowladda Federaalka ay soo dhaweyneyso milkiilayaasha maraakiibta iyo ganacsatada in ay ku diiwaan geliyaan maraakiibtooda Calanka Soomaaliyeed.
“Diiwaangelinta “Guney” waxay fursad cusub u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, wasaaradduna waxay soo dhaweyneysaa ganacsatada iyo milkiilayaasha maraakiibta inay ka faa’iideystaan fursaddaan cusub” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dadaalladan ayaa qayb ka ah qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee dowladda Soomaaliya iyo siyaasadda guud ee xukuumadda Dan-Qaran, iyagoo taageeraya hirgelinta qorshaha isbeddelka qaranka (NTP).
Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay ku tallaabsaneysay horumarro waa wayn oo dhinaca ganacsiga iyo dhaqaaaha, taas oo ku timid isbeddelka ay sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xaqiijisay guullo wax ku ool ah.
Waxaa kale oo jirta in ganacsiga Soomaalida uu kusii fidayo gobolka iyo caalamka, kadib markii ay fursado cusub abuurtay dowadda dhexe.

The post DF oo howlgelisay markabkii ugu horreeyay oo qaatay…. appeared first on Adduun.com.
