Muqdisho (Adduun.com) – Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujisay xiisadda sii kordheysa ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada in khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta rabshado.
Qoraal ay baahisay Sabtidii xafiiska QM ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa lagu sheegay in si dhow loola socdo xaaladda kasoo korortay Koonfur Galbeed, xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Baydhaba.
“Khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka waa in lagu xalliyaa wada-hadal,” ayaa lagu yiri qoraalka UNTMIS.
Hay’addu waxay intaas ku dartay inay ka walaacsan tahay saameynta ay yeelan karto xiisaddan sii kordheysa, iyadoo ka digtay in xaaladdu ay waxyeello u geysan karto xasilloonida, amniga, midnimada iyo xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya.
“Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada inay qaataan wada-hadal wax dhisaya, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dheeraad ah oo keeni karta isku dhac rabshado wata,” ayay mar kale tiri UNTMIS.
Baaqa Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda Koonfur Galbeed ay gashay marxalad cusub oo halis ah, kadib doorashadii deg-degga ahayd ee Sabtidii ka dhacday magaalada Baydhaba, taas oo mar kale xilka madaxweynaha loogu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Doorashadaas ayaa sidoo kale lagu soo doortay guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Siciid Fiqi, hase yeeshee dowladda federaalka ayaa si deg-deg ah u diidday natiijada kasoo baxday Baydhaba, kuna tilmaantay mid sharci-darro ah oo ka baxsan dastuurka iyo heshiisyadii lagu waday geeddi-socodka doorashooyinka.
Dhankeeda, Villa Somalia waxay ku eedeysay hoggaanka Koonfur Galbeed inay qabteen hannaan hore loo sii qorsheeyay oo aan waafaqsaneyn sharciyadda dalka, halka taageerayaasha Lafta-gareen ay ku doodayaan in dowladda dhexe ay faragelin ku hayso arrimaha maamulkaas.
Xiisaddan siyaasadeed ayaa sidoo kale yeelatay dhinac amni, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay lasoo wariyay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka jira deegaannada ku dhow Baydhaba iyo Buurhakaba, arrintaas oo sare u qaaday cabsi laga qabo in khilaafku isu beddelo isku dhac toos ah.
Hadalkan kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa noqonaya calaamaddii ugu dambeysay ee muujineysa walaaca sii kordhaya ee beesha caalamka ka qabto xaaladda Koonfur Galbeed, xilli Soomaaliya ay wajahaysa muranno ku saabsan dastuurka, hanaanka doorashooyinka 2026 iyo weliba dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Inkasta oo UNTMIS aysan si toos ah eed ugu jeedin dhinac gaar ah, haddana baaqeeda ku aaddan xakameynta xiisadda iyo in laga baaqsado tallaabo kasta oo keeni karta dagaal ayaa muujinaya cabsida sii kordheysa ee laga qabo in khilaafka Muqdisho iyo Baydhaba uu sii ballaarto.
Baaqa Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu cadaadis dheeraad ah saaro labada dhinac, si ay uga laabtaan iska hor imaad siyaasadeed iyo mid amni, uguna soo noqdaan miiska wada-hadalka ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.
