Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Muxuu wasiir Jaamac ka yiri doorashada Lafta-gareen? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Muxuu wasiir Jaamac ka yiri doorashada Lafta-gareen?


Baydhaba (Adduun.com) – Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kamid ah xubnaha kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa si adag uga hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Baydhaba ee mar kale dib loogu doortay Cabdicasiis Lafta-gareen.

Wasiirka ayaa ka horyimi dib u doorashada madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, wuxuuna sheegay in aanu madaxweyne ku noqon karin wixii maanta dhacay.

“Fuleysanaa Duqa, Nin walba intuu qol isku xiro haduu Madaxweyne noqon karo yaaba Madaxweyne la’aan ahaan lahaa! Diidney” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Jaamac.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa eedeyn culus dusha u saaray madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo taageero u muujiyay Lafta-gareen, wuxuuna tilmaamay in uu meel uga dhacay waddaniyada.

“Farmaajo ayaa wadani ah oo Shacab iyo dimoqraadiyad jecel ha iga harto, horta Duqii qolka dhexdiisa ilaaladiisa asaga iyo gudoon ku sheegiisa 4 saacadood ku doorteen sey sheegeen sow uma hambaliyeyn. Xildhibaano halkaas looguma soo xulaayee yuusan tirin qoraalka, hana loo diiwaan geliyo” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Si kastaba, Lafta-gareen ayaa noqday madaxweynihii labaad ee qabsaday doorasho ay diidan tahay dowladda dhexe, waxaana uga horreeyay Axmed Madoobe oo illaa iyo hadda dagaal siyaasadeed kula jira madaxweyne Xasan Sheekh.

Doorashada maanta ka dhacday Baydhaba ayaa uga sii dareysa xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed, maadaama ay dhaq-dhaqaaqyo wadaan mucaaradka oo isku sii fidinayo degmooyin iyo deegaanno muhiim ah oo ka tirsan maamulkaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Badbaada Koonfur Galbeed ayaa hadda lasoo warinayaa in qaarkood ay kasoo dhaqaaqeen magaaladaas, iyaga oo kusoo jeeda aagga Baydhaba, si ay u uga hortegaan qorshaha Lafta-gareen.

Dagaal ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa, maadaama dhankooda ciidanka Lafta-gareen ay isku ballaariyeen magaalada Baydhaba iyo bannaankeeda.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard