Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Madaxweyne goboleedkii u horreeyay oo war kasoo saaray doorashada Lafta-gareen - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Madaxweyne goboleedkii u horreeyay oo war kasoo saaray doorashada Lafta-gareen


Kismaayo (Adduun.com) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoob) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Baydhaba, taas oo mar kale dib loogu soo doortay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), isaga oo u hambalyeeyay dhiggiisa Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa doorasho caddaalad ah ku tilmaamay midii maanta lagu soo doortay Laftagareen, wuxuuna sheegay inuu garab taaganyahay.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa Alle uga baryay inuu la garab galo mas’uuliyadda culus ee ay qaadeen isaga iyo guddoonka Baarlamaanka, isla markaana ku asturo xil gudasho hufan, caddaalad iyo horumar ay gaarsiiyaan shacabka Koonfur Galbeed.

Waxaa goor sii horeysay dib u doorashada Cabdicasiis Lafta-gareen iyaguna soo dhaweeyay xubnaha mucaaradka oo garab istaag deg-deg ah u muujiyay, waxayna tilmaameen in ay meesha ka saartay hubanti la’aantii iyo xaaladdii taagneyd.

Lafta-gareen ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee qabsaday doorasho ay diidan tahay dowladda dhexe, waxaana uga horreeyay Axmed Madoobe oo illaa iyo hadda dagaal siyaasadeed kula jira madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed, maadaama ay dhaq-dhaqaaqyo wadaan mucaaradka oo isku sii fidinayo degmooyin iyo deegaanno muhiim ah oo ka tirsan maamulkaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Badbaada Koonfur Galbeed ayaa hadda lasoo warinayaa in qaarkood ay kasoo dhaqaaqeen magaaladaas, iyaga oo kusoo jeeda aagga Baydhaba, si ay u uga hortegaan qorshaha Lafta-gareen.

Dagaal ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa, maadaama dhankooda ciidanka Lafta-gareen ay isku ballaariyeen magaalada Baydhaba iyo bannaankeeda.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard