Buurhakaba (Adduun.com) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay ay ciidamadii ugu badnaa gaareen degmada Buurhakaba oo uu haatan ka socdo dhaq-dhaqaaq ka dhan ah maamulka Lafta-gareen, kaas oo ay wadaan mucaaradka maamulkaas iyo DFS.
Ciidamada gaaray Buurhakaba oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa ka baxay gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana xalay si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.
Muuqaallo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo gaadiid fara badan iyo ciidamo hubeysan oo gudaha usii galaya Buurhakaba, waxayna ku biirayaan ciidamada mucaaradka ee horay u joogay gudaha magaaladaasi.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in kooxda ku sugan Buurhakaba ay isku diyaarineyso inay dhowr jiho ka weerarto magaalada Baydhaba, iyadoo qorshuhu yahay baajinta doorashada uu haatan qaban qaabinayo Cabdicasiis Lafta-gareen.
Dhinaca kale, madaxweyne Lafta-gareen ayaa sii wata qorshihiisa, iyada oo xalay la shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee Baaramaanka saddexaad ee Koofur Galbeed, waxaana kadib la guda geli doonaa doorashada madaxweynaha.
Waxaa kale oo uu Lafta-gareen diyaarsaday ciidamo dheeraad ah oo shalay lagu sii daadiyay xaafadaha iyo bannaanka Baydhaba, si ay u xaqiijiyaan amniga, ugana hortegaan haddii weerar lagu soo qaado magaaladaasi.
Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xiisadda u dhexeysa Dowladda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed, taas oo salka ku haysa muranka ka dhashay hannaanka doorashooyinka, kadib markii u heshiiskii ka baxay Lafta-gareen.
Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxaysa, waxaana laga cabsi qabaa in labada dhinac ay is farasaaraan oo ay qarxaan dagaallo culus.
