Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Farmaajo oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Farmaajo oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, isaga oo weerar culus oo dhanka afka ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa.

Farmaajo ayaa si xoogan u  dhaleeceeyay madaxweyne Xasan, wuxuuna sheegay in uu uga sii darayo khilaafaadka gudaha ee ka taagan dalka.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku dhuftay in muddada xil-heynta madaxweynaha ay ku eg-tahay 15-ka May, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in la gaaro heshiis siyaasadeed, si looga hortago in firaaq uu yimaado kadib muddadaasi.

“Muddada sharci ee xilka Xasan Sheekh waxay ku eg tahay 15-ka May. Waxaa loo baahan yahay heshiis siyaasadeed si looga hortago firaaq siyaasadeed iyo mid dastuuri ah” ayuu yiri madaxweynihii 9-aad ee dowladda Soomaaliya.

Farriintan ayaa kusoo aadeyso, xilli dalka uu sii galayo marxalad xasaasi ah, ayna sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha, maadaama la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo ariimaha dastuurka.

Waa markii labaad ee uu madaxweynihii hore ka digayo in muddo-xileedkiisu ka dhamaado Xasan Sheekh iyada oo aan heshiis laga gaarin hannaanka doorashada, wuxuuna dhowaan tusaale usoo qaatay wixii isaga ku dhacay xukunkiisii hore.

Maxamed Farmaajo ayaa sidoo kale xilligaas sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu haatan yahay “libaax”, balse inta uusan u noqon “bisad”, oo ula jeedo inta sharciyada ka dhamaan uu xal ka gaaro khilaafka siyaasadeed ee salka ku haya hanaanka doorashada.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dalka ay ka taagan yihiin xaalado siyaasadeed iyo kuwa bani’aadanimo oo is-biirsaday, isla markaana si weyn u saameeyay dadka Soomaaliyeed.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard