Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xiisad dagaal oo maanta ka taagan magaalada Boosaaso - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xiisad dagaal oo maanta ka taagan magaalada Boosaaso


Boosaaso (Adduun.com) – Wararka ka imaanaya  gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kadib markii ay halkaas dhaq-dhaqaaq ay ka bilaabeen ciidamo ka cabanayo mushaar la’aan.

Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ee ka qayb-qaatay howlgalka Calmiskaad, si looga xoreeyo  kooxda Daacish, waxayna ka cabanayaan daryeel la’aan iyo sidoo kale xuquuq mushaari ah oo ka maqan.

Sidoo kale, ciidamada ayaa xirtay afaafka hore hore ee magaalada Boosaaso, iyaga oo fariisimo cusub ka sameystay halkaasi, taas oo keentay in xiisad laga dareemo duleedka magaalada.

Xiisad culus ayaa sidoo kale la dareemay markii ay goobta tageen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Puntland, kuwaas oo isku dayay in ay la hadlaan askarta gadoodka sameeyay, balse wada-hadalka ayaa dhaliyay muran xooggan oo soo kala dhex-maray labada ciidan, iyadoo kadib ciidamadii meesha tegay ay dib isaga soo laabteen.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada gadoodka wada ayaa farriin culus u diray madaxda sare ee Dowlad-goboleedka Puntland, iyaga oo ka dalbaday inay soo farogeliyaan arrintooda, si wax looga qabto cabashadooda oo soo noq noqotay.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa hadda wada dadaallo dheeraad ah oo xal loogu raadinayo xiisadda taagan, iyagaoo isku dayaya in ay askartan ku qanciyaan in marka hore ay ku laabtaan xeryahooda, kadibna la xallin doono tacbashada ay qabaan.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay madaxda Puntland ee ku aadan gadoodka ciidamadaas iyo xiisadda haatan laga dareemayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Si kastaba, gadoodka ay sameynayaan  ciidamada Puntland ee ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa in-dhawaanahan ku soo badanayay degaannada maamulkaasi, waxaana marar kala duwan ciidamo careysan lagu arkay magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo, kuwaas oo xanibay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalooyinkaasi.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard