Qansaxdheere (Adduun.com) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay degmad Qansaxdheere ee gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa mucaaradka ee la baxay ‘badbaadada Koonfur Galbeed’.
Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa ku fiday xaafadaha degmada iyo duleedka, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan illaa 5 qof ayaa ku dhintay dagaalka, kuwaas oo isugu jiray labada dhinac iyo dad shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo laga soo horjeedo laga dareemayaa gudaha degmada Qansaxdheere, iyada oo dhinacyadu ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dari karta xiisadda.
Ma jiro wax hadal ah kasoo baxay Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay Qansaxdheere, ee lasoo wariyay in ay la wareegeen ciidamada taabacsan mucaaradka maamulkaasi.
Xiisaddan ayaa daba socoto arrimo la xiriira khilaafka ka taagan doorashada maamulkaas oo marar badan dib uga dhacday waqtigeeda, iyada oo hadda ay xiisadda isku rogtay gacan ka hadal.
Dhanka kale, degmada Buurhakaba ayaa iyana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo uu dhexeeya labada dhinac, iyada oo maalmo kahor mucaaradka ay hub geeyeen degmadaas, kaas oo loo qaybiyay ciidamada kasoo horjeedo Laftagareen.
Waxaa kasii ka horreeyay dagaal kale oo dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo looga adkaaday ciidamada mucaaradka, kadib markii laga saaray guri ay ku sugnaayeen oo ku yaalla magaaladaasi, kadib weerar ay ku qaadeen ciidamada amniga ee Koonfur Galbeed.
