Muqdisho (Adduun.com) – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit ayaa soo dhoweeyay dhameystirka wax ka beddelka dastuurka, oo dhawaan uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.
Dastuurkan ayaa sidoo kale waxaa maalmo ka hor si rasmi ah u saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn u riixayay qorshaha doorashada qof iyo cod, taas oo si adag uga horyimaadeen mucaaradka.
Aboul Gheit ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo muhiim u ah dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowlad-dhiska Soomaaliya iyo horumarinta nidaamka dowladeed ee dalka.
Wuxuu sheegay in ansixinta dastuurku ay xoojinayso aasaaska nidaamka dastuuriga ah ee ku dhisan sarreynta sharciga iyo kala soocidda awoodaha dowladda.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dastuurku uu door weyn ka qaadanayo ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Aboul Gheit ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay sidoo kale gacan ka geysaneyso xaqiijinta midnimada dalka iyo wadajirka gobollada kala duwan ee Soomaaliya.
Afhayeenka rasmiga ah ee Xoghayaha Guud, Jamaal Rushdi ayaa sheegay in ansixinta dastuurka ay ka tarjumayso geeddi-socod qaran oo ballaaran iyo dadaallo joogto ah oo ay sameynayaan shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adahooda qaran si loo xoojiyo xasilloonida siyaasadeed.
Ugu dambayn, wuxuu caddeeyay in Jaamacadda Carabta ay sii wadi doonto taageerada iyo wada-shaqeynta ay la leedahay dowladda iyo baarlamaanka Soomaaliya, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida, loona horumariyo hay’adaha dimuqraadiyadda, loona gaaro horumar iyo barwaaqo ay helaan shacabka Soomaaliyeed.
Si kastaba, Dastuurkan cusub ee dhawaan ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa haatan la dhaqan-galinayaa, wuxuuna dhigaya in muddo xileedka madaxweynaha uu yahay shan sano, halka uu hore uga ahaa afar sano.
Tan ayaa ka dhigan in hal sano oo dheeri uu qaadan doono Madaxweyne Xasan Sheekh, oo haatan ku jiray bilihii u dambeeyay ee muddo xileedkiisa, iyadoo mucaaradka si adag uga horyimaadeen wax-ka-beddelka dastuurka.

