Muqdisho (Adduun.com) – Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa maanta hanjabaad culus u diray siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo ku goodiyay in haddii doorashada dib uga dhacdo 15-ka May wixii dhaca mas’uuliyaddiisa qaadi doono Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Taliye Macallin Mahdi ayaa sheegay in ammaanka iyo xasilloonida caasimadda aan cidna looga waaban doonin, meeqaam kasta ha lahaadee, sida uu hadalka u dhigay.
“Ammaanku maaha siyaasad, ammaanku waa nolosha qof kasta oo muwaadin ah. Hooyada Soomaaliyeed ee laamiga ku gadaneysa tukaanka amni ayay u baahan tahay, wiilka ama gabadha Soomaaliyeed ee iskuul u socdo ammaan ayay u baahan yihiin,” ayuu yiri Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
Waxa uu intaas kusii daray: “Ammaanka lama siyaasadayn karo, gorgortana lagama galayo. Kuwa hadlaya iyo kuwa ka dambeeya waxaa leenahay amniga ha noogu imaanina, hay’adaha ammaanka ayaa mas’uul ka ah. Qof kasta oo isku daya inuu wax u dhimo ammaanka gacan adag ayaa ku qabaneynaa.”
Macallin Mahdi ayaa carabka ku adkeeyay in aysan marna raalli ka noqon doonin in ammaanka dib loo celiyo, isla markaana ay mar kale kusoo laabtaan qaraxyadii ka dhici jiray Muqdisho, oo ay muddooyinkii dambe ka raysatay falalka amni-darrada ee argagixisada.
“15-ka May haddii lagaaro waa dagaalameyna dadka dhahaayo ma waxaad u xiisteen tacsiyenta saaxibadiina, qofkasta oo amniga wax u dhimaayo waa khaa’inul waddan,” ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi.
Hadalkan ayaa imanaya xilli hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay ka digeen ku dhaqanka dastuurka cusub ee uu meel-mariyay Baarlamaanka Soomaaliya iyo in dib looga dhaco waqtiga doorashada.
Dastuurka cusub ee mucaaradka diidan yahay ayaa jideynaya muddo kororsi hal sano ah, sida uu dhawaan goob fagaare ah ka sheegay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, waxaana sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira dalka.
Hoos ka daawo muuqaalka
