Tehran (Adduun.com) – Mojtaba Khamenei ayaa soo saaray bayaankiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu la wareegay xilka Hoggaamiyaha Sare ee Iran, kaddib markii aabihii, Aayatullah Cali Khamenei, iyo dhowr xubnood oo qoyskiisa ka mid ah lagu dilay duqeymo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil.
Bayaankan oo galinkii dambe ee maanta laga akhriyay telefishinka dowladda, ayuu Mojtaba ku baaqay midnimo qaran, xilli dagaalka haatan ku fiday qaybo badan oo ka mid ah Bariga Dhexe.
Wuxuu si cad u sheegay in Iran aysan ka laba-labeyn doonin inay “u aargudato dhiigga Iiraaniyiinta la dilay,” oo ay ka mid ahaayeen aabihii iyo xubno kale oo qoyskiisa ka tirsan.
Mojtaba ayaa sidoo kale sheegay in marinka muhiimka ah ee caalamiga ah ee Hormuz uu sii xirnaan doono si cadaadis loo saaro cadowga Iran. Wuxuu intaas ku daray in dhammaan saldhigyada Mareykanka ee gobolka si degdeg ah loo xiro, haddii kale la weerari doono.
Inkastoo uu xusay in Iran ay aaminsan tahay saaxiibtinimada dalalka deriska ah, ayuu haddana Khamenei caddeeyay in la sii wadi doono weerarrada ka dhanka ah saldhigyada Mareykanka ee gobolka.
Hoggaamiyaha Sare ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha hubeysan ee Yemen “ay iyaguna shaqadooda qaban doonaan,” isagoo raaciyay in kuwa Ciraaq joogana ay “doonayaan inay caawiyaan” Kacaanka Islaamiga ah.
Dhinaca kale, Khamenei ayaa u mahadceliyay ciidamada qalabka sida ee Iran, kuwaas oo uu sheegay inay dalka ka badbaadiyeen in la qabsado ama la kala qaybiyo xilli uu wajahayo weerarro.
“Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo dagaalyahannada geesiyaasha ah ee qabanaya shaqada weyn xilli dalkeenna uu ku jiro cadaadis iyo weerar,” ayuu yiri, isagoo wacad ku maray in Iran ay sii wadi doonto dagaalka.
Cali Khamenei, oo Iran xukumayay muddo 37 sano ah, ayaa 28-kii Febraayo lagu dilay magaalada Tehran. Golaha Khubarada Iran ayaa Axaddii isku raacay in wiilkiisa loo magacaabo inuu xilka kala wareego.
Tohid Asadi oo ka tirsan telefishinka Al Jazeera, kana soo warramayay Tehran, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub uu tilmaamay inuu marin-biyoodka Hormuz u adeegsan doono awood uu ku cadaadiyo cadowgiisa, isla markaana uu kordhin karo xoojinta dagaalkan.
Asadi ayaa intaas ku daray in bulshada Iran ay weli ku kala qaybsan tahay magacaabista Mojtaba Khamenei, inkastoo uu ku baaqay midnimo. Arrintan ayaa inta badan salka ku haysa dhibaatooyinkii dhaqaale ee kiciyay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee dalkaas ka dhacay bilihii December iyo January.
